X
    Categories: Warar

Somaliland: Baanka Dhexe Oo Xaqiijiyey In Laba Nin Oo Ganacsato Ah Ay Khalkhaliyeen Dhaqaalaha Dalka DIgniina Soo Saaray

Araweelo News Network

Guddoomiyaha Baanka Somaliland

Hargeysa (ANN)- Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay sababta keentay in qiimaha shillinka Somaliland uu hoos u dhaco qadar dhan 3% marka loo eego halka uu sarifku joogay muddo toddoba maalmood ka hor ah.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Baanka Dhexe , waxyaabaha qiimo-dhaca ku keenay shillinka Somaliland, waxa ka mid ah laba nin oo ganacsatadu ah oo suuqa ku kala sariftay lacag dhan $40,000 doollar, kuwaasoo halka doollar ku kala qaatay lacag aad uga saraysa heerka sarifku ka marayey suuqyada dalka.
Warsaxaafadeedkaas oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Sababaha keenay hoos-u-dhaca qiimaha shillinka Somaliland (3%)

Waxa aanu bulshada Somaliland halkan kula wadaagaynaa sababaha keenay hoos-u-dhaca shillinka Somaliland qadar dhan 3% laga soo bilaabo 21/05/2018, sababahaasna waxa ka mid ah;
1. Dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera oo hoos u dhacday kadib markii ay maraakiibku ka war heleen saadaashii duufaannada ku soo waajahan Badda Cas (weather forecast), taasina waxa ay keentay cashuurtii iyo baahidii shillinka oo yaraaday.

2. Ganacsatada bagaashku waxay u diyaargaroobayaan soo dejinta bushcaraddii loo baahnaa xiliga ciidul-fidriga, taasoo kordhisay baahida loo qabo doollarka.

3. Waxa dhiiqada biyo ku sii shubay laba ganacsade oo mid ka ganacsado qaadka, midna sarifka lacagaha. Ganacsadaha qaadka oo baahi weyn u qabay inuu degdeg u helo doollar ayaa sariflaha ka iibsaday lacag dhan $40 kun oo doollar ($40,000) taariikhdu markay ahayd 21/05/2018, sarifkuna waxa uu maalintaas ahaa halka doollar 9,750 SLSH, balse qaadluhu waxa uu ku iibsaday halka doollar lacag dhan 10,050 SLSH oo u dhiganta kor-u-kac ah 3%. Iibkaasi markii uu dhacay waxa laba saacadood gudahood iyaguna sicirka kor u qaaday sariflayaashii kale, maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 26/05/2018, gacanta dambe ee sarifka doollarku waxa uu kor u kacsan yahay xaddi dhan 2.8%, marka la barbardhigo sicirkii uu ahaa 21/05/2018. Labada ganacsade waxa ay saamayn weyn ku yeesheen guud ahaan dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan maciishada danyarta oo kor u kacday, iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaanta.
Haddaba, Baanka Dhexe ee Somaliland waxa uu farayaa;

➢ Ganacsatada iyo sariflayaashu in aanay dhaafi karin sicirka gacanta dambe ee Baanka Dhexe soo saaro maalin kasta (daily selling rate). Ganacsatada iyo sariflaha ku xad-gudba waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan oo ay ka mid tahay in ruqsadda lagala noqdo.

➢ Bulshada wax iibsata (buyers) waxa laga codsanayaa in aanay wax ku iibsan sicir ka sareeya sarifka uu soo saaro Baanka Dhexe subax kasta ee lagu soo diro farriinta telefoonka (Text messages).
Toddobaadka soo socda, waxa aannu rajaynaynaa inuu sicirku hoos uga dhaco halkii uu taganaa 21 May 2018,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post