X
    Categories: Warar

Somaliland: Baanka Dhexe Oo Lagu Wareejiyay Nus Malyuun Doollar Oo Ay Bixisay Shirkadda DP World

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Baanka Dhexe ku wareejisay lacag dhan shan milyan doollar oo ay bixisay shirkadda DP World ee lagu wareejiyey maamulka Dekedda Berbera.

Lacagtan oo ah qaybtii labaad ee dawladda Somaliland ka hesho shirkadda DP World, taas oo qayb ka ah heshiiska shirkadda Carbeed kula wareegtay dekedda, iyadoo Baanka Dhexe hore loogu wareejiyey $5 milyan oo doollar bishii January ee sannadkan 2017.
Wasiir Samsam oo uu wehelinayey Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland ku wareejiyey lacag dhan $5 milyan doollar oo kaash ah.
Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Mr. Maxamed Axmed Cawad oo ka hadlay shir-jaraa’id oo masuuliyiinta labada dhinac ku qabteen xarunta Baanka Dhexe ee Hargeysa, waxa uu yidhi; “Sidii ballanteennu ahayn shantii milyan ee qolada DP World bixinaysay ayaannu ku wareejinaynaa Baanka Dhexe ee Somaliland, iyadoo xisaabaadka soo martay, Xisaabiyaha Guud ee Qarankuna saxeexay.”
“Waxaannu Baanka Dhexe ku wareejinay shan milyan doollar oo ah qaybtii labaad ee ku jirta heshiiska Dekedda Berbera ee ku hadhsanaa DP World oo aan aad iyo aad ugu mahad-naqayo. Waxa kaloo aan u mahad-celinayaa qolada Baanka oo si hufan noogala wareega tacagta, kuna shuba Akownka lambarkiisu yahay 11.” Sidaana waxa tidhi Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasibaddaas ka hadashay.
Dhinaca kale, wasiir Samsam ayaa jawaab ka bixisay eedaymo xisbiyada mucaaradku ugu jeediyeen inay Komishanka Doorashooyinka ku wareejiyeen jeeg aan shaqeynayn, waxaanay tidhi; “Beentu waa furaha munaafaqadda. Beentii qofku u sheegayey qof kale ayaa imminka lala soo fadhiisanayaa warbaahinta. Habeen dhowayd waxaan daawanayey nin weyn oo aan ixtiraami jiray oo leh lacagtii lagu wareejiyey Komishanku been bay ahayd oo Baanka laguma shubin. Aniga ayaa Komishanka u qoray 24 bilyan oo shillinka Somaliland ah iyadoo aan miinaasiyadda noogu jirin, waana markii la lahaa doorashadu waxay dhacaysaa bishan March. Madaxweynuhu wuxuu yidhi, lacagtaa waa in la bixiyaa. Afartii milyan ee dollar sarrifkii baa wax ka gooyey, waxayna ku jirtaa Akownka Komishanka.”
“Aad baan ugu xumaaday hadalkaas, waayo qof weyn oo intaas oo qof daawanayso oo been telefishannada la soo fadhiistay waa ayaan-darro. Markaa lacagtan aannu Baanku ku wareejinay waxaannu sidan u yeelnay ee u soo bandhignay si aan loo odhan doorkii horeba lacag caddaan ah ayaa la wareejiyey ee maxaa doorkan jeegga keenay,” ayey hadalkeeda ku soo xidhay Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Khasnajiga Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Seed Cali oo la wareegay lacagta shirkadda DP World bixisay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay Wasaaradda Maaliyadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post