X
    Categories: Warar

Somaliland: Axsaabta Qaranka Oo Dhawaaqyo Kala Duwan Kaga Dareen Celiyay Go’aanka Golaha Guurtida Ee Mudda-kordhinta Golayaasha Qaranka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta saddexda Xisbi ee Somaliland, ayaa dhawaaqyo kala duwan kaga dareen celiyay go’anka golaha guurtidu maanta ku dhawaaqay ee mudda-kordhinta Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Golayaasha deegaanka.

Guddoomiyaha KULMIYE, isla markaana ah murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo Warbaahinta la hadlay markii uu soo baxay go’aanku, ayaa yidhi, “Golaha Guurtidu waa golihii distooriga ahaa ee go’aanka lahaa, markaa wixii ay soo saaraan waa loo hoggaansamayaa, waayo iyaga ayaa distoorku xaq u siiyey inay go’aankaas gaadhaan,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu ka hadlay aragti ahaan sida ay ula muuqato in aanay Golaha Guurtidu u hoggaansamin waqtigii saddexda xisbi qaran, Komishanka iyo xukuumadddu isla qaateen, waxaannu yidhi, “Wixii saddexda xisbi, Komishanka iyo xukuumaddu keeneen soo jeedin bay ahayd, go’aankana Guurtidaa leh, markaa soo jeedintayadii way garab mareen, annaguna go’aankoodaanu raacaynaa ileyn iyagaa distoorka awoodda siiyaye, waxayaguna waa soo jeedin, laakiin iyaga ayaa gacan-taagga iyo sharciyadda leh, waana u hoggaansanahay ama sidii aannu rabnay ha ahaato ama si kale ha ahaatee.”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in muddada loo kordhiyey xukuumadda ay tahay waqti lagu diyaargaroobi karo oo wixii qabyo jirta lagu dhammaystiri karo, “Iminka waqti badan baa la kordhiyey, waqtigaana waa lagu diyaar garoobi karaa, muddo badan oo horena waa la kordhiyey, anigana waxay ila tahay kalsoonidu waxay saaran tahay oo doorashadu inay dhici karto iyo in kale laga arki karaa Guddida Doorashooyinka, iyagaa xilka leh Komishanka Doorashooyinku, taas hore ee dib-u-dhigguna iyaga ayey masuuliyadooda ahayd inay waqtigii hore ku qabtaan, maanta inay doorasho dhacdo iyo in aanay dhicin waxay ku xidhan tahay kolba sida ay u shaqeeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranku,” ayuu yidhi, Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isla markaana ah Murrashaxa Xisbiga ee Madaxweynaha Cabdiraxman Cirro, ayaa sheegay in ay soo dhowaynayaan go’aankaa inkasta oo uu sheegay in mudadii ay sadexda xisbi isla qaateen guurtidu ku siyaadiyeen 60 maalmood.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Xisbiga UCID, ayaa sheegay inay dhinacooda soo dhowaynayaan go’aanka mudada loogu kordhiyay Xukuumadda, balse aanay macquul ahayn in golayaasha Baarlamaanka ee mudada dheer fadhiyay loo kordhiyo muda xileedkooda.

Afhayeenka UCID, wuxuu sheegay in aanay Xisbi arrintaa aqbalayn oo ay dariiq kale uga wareegayaan, iyagoo sida uu sheegay la kaashanaya axsaabta kale ee Qaranka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post