Araweelo News Network
New York (ANN)Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Michael Keating, ayaa ka hadlay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, halka uu sidoo kale ka digay in mar kale muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda Muqdisho oo hadda doorashada dadban ee Soomaaliya dib loo dhigay muddo bil ah.Wakiilka Xoghayaha Guud oo warbixin khusaysa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ka jeediyey Golaha Ammaanka maalintii Salaasadda, ayaa kadib waxa uu la hadlay saxaafadda, iyadoo la weydiiyey su’aalo khuseeya qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland oo aragtidiisa ka dhiibtay.
Ugu horayn, suxufi ka tirsan hay’adda warbaahinta ee magaceedu yahay Inner City Press oo wargeyska Jamhuuriya xalay soo xigtay, ayaa weydiiyey su’aal ahayd; “Ku-xigeenka Wakiilka Boqortooyada Ingiriiska ee Qarammada Midoobay Ambassador Peter Wilson, waxa uu sheegay in qaddiyadda Somaliland tahay mid dhinacyo badan khusaysa, sidaa darteedna ay la tashi la samayn doonaan Golaha Ammaanka, markaa kulanka aad yeelateen ma lagu soo hadal qaaday arrintaas?
Waxaannu ku jawaabay; “Dhabtii arrintaas lama soo hadal qaadin, balse waxa lagu soo hadal qaaday ka qaybgalka Somaliland ee hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, laakiin qaddiyadda siyaasiga ah ee khusaysa Somaliland iyo Soomaaliya lagagama hadal kulanka Golaha Ammaanka.”
Waxa kale oo la weydiiyey aragtidiisa la xidhiidha madaxbannaanida Somaliland, waxaannu yidhi; “Somaliland arrinteedu way caddahay inay isku aragto inay tahay dal madaxbannaan, laakiin ma jirto cid aqoonsatay, haddii ay tahay dalalka Midawga Afrika, Qarammada Midoobay amma cid kale oo beesha caalamka ah, sidaas darteed, arrintaasi waxay nagu tahay xaalad qariib ah, maadaama ay Soomaaliya u aragto in Somaliland tahay qayb dalkooda ka mid ah, halka Somaliland aanay aqoonsanayn inay ka mid tahay Soomaaliya.”
Wakiilka Xoghayaha Guud, ayaa caddeeyey inuu door ka qaadan doono arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Annigu waxa aan booqday caasimadda Hargeysa, si diiran ayaanna la iigu soo dhaweeyey, waxaanna la iga codsaday,la inna weydiistay in aan door wax-ku-ool ah ka qaato sidii wax looga qaban lahaa arrimaha siyaasiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, wayna ii qorshaysan tahay arrintaasi.”
Dhinaca kale, warbixinta Wakiilka Xoghayaha Guud ka jeediyey Golaha Ammaanka ee UN-ka, waxa uu kaga hadlay khilaafka ka taagan hannaanka doorasho-la-moodka la doonayo in laga qabto Soomaaliya.
“Waxa jira dhibaatooyin ka taagan hannaanka doorashada, waxaanna la sameeyey muddo-kordhin hal bil ah, iyadoo codbixinta xubnaha baarlamaanku bilaabi doonto 23 October, soconna doonto ilaa 10 November 2016, halka doorashada Madaxweynuhu noqon doonto 30 November 2016.
Dhibka xaasaasiga ah ee taagan waa in aannay muddo-kordhintan keenin fursad siyaasi ah oo wax lagu lunsado, awood si qaloocan loo adeegsado oo ay sameeyaan kuwa xumaanta ka shaqeeya (spoilers). Waxa muhiim ah in laga wada shaqeeyo sidii nidaanka doorashadu u noqon lahaa mid cid walba u muuqda oo aan wax madmadaw ah ku jirin, iyadoo dadka codaynaya ee la diwaangeliyey yihiin 14,000 (afar iyo toban kun) oo qof, kuwaasoo codkooda ku kala saari doona boqolaalka murrashax ee u tartamaya baarlamaanka,” ayuu yidhi Michael Keating oo ka digay halista ka dhalan karta haddii mar kale muddada la kordhiyo.
Waxaannu intaas ku daray; “Sida ku cad dastuurka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa muddadii awoodiisu dhammaatay 10 September, balse weli awoodaha xukuumaddu way shaqanayaan iyadoo aan sifo sharci ah loogu samayn muddo-kordhin, sidaa darteed, waxa jira astaamo muujinaya in la helo cid maamulka haysa xilliga kala-guurka ah oo aan lahayn awood dheeraad ah oo ay go’aanno ku gaadhi karaan,haddii ay tahay cid ka tirsan hay’adaha xukuumadda ee hadda jira.”
.Wakiilka Xoghayaha Guud, ayaa sidoo kale warbixinta uu ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Jamhuuriya soo xigtay, waxa uu kaga hadlay khilaafaadka ka taagan doorashooyinka aan tooska ah ahayn ee la doonayo in loo qabto Soomaaliya, isagoo xusay in dhibaatooyinkaas ay ka mid tahay muranka ka taagan saamiga Somaliland ku yeelanayso baarlamaanka.
“Wax jira waxyaabo dhibaato ku ah doorashada oo khilaafkoodu taagan yahay,una baahan in la qaato tanaasulaad iyo isku tanaasul xannuun badan oo ay la yimaadaan dhinacyada danaha kala duwan leh iyo weliba qabiilooyinka, taasoo ah xaalado isku cufan oo siyaasadeed, waxyaabaha dhibku ka taagan yahayna waxa ka mid ah; xaaladaha sharci amma meqaam caasimadda Fedaraalka, Somaliland, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, doorka xisbiyada siyaasiga ah, musuqmaasuqa, isticmaalka lacaga sharci-darrada ah, xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, dumarka oo muddo dheer u dagaalamayey xuquuqdooda,” ayuu yidhi Wakiilka Qarammada Midoobay.