X

Somaliland: Ardaydii Ugu Badnayd Oo Sannadkan U Fadhisitay Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Dalka Dugsiyada Siddeedaad Iyo Dhexe

Ardayda u fadhiistay imtixaanaadka fasalada siddeedaad iyo dhexe ee Somaliland, 19 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa shaaciyay tirada Ardayda ka qaybgelay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee Dugsiyadda Dhexe iyo fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare oo ay Ardaydii ugu badnayd maanta u fadhisiteen.

Saaka subaxnimadii hore oo taariikhdu ahayd 19 June, 2021, ayaa si rasmi ah Imtixaanaadku ugu furmeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ee dalka oo dhan.

Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo Xarunta Imtrixaanaadka Qaranka, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Sannadkan Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2020/2021, waxa u fadhiisanaya Arday tiradoodu dhan tahay 32,849 Arday oo noqonaysa tiradii ugu badneyd abid ee imtixaanka u fadhiisata, ayaa isugu jira 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood.

Waxayna sheegeen in Ardayda fasallada 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee saaka imtixaanka u fadhiistay,  tiradoodu dhan tahay 21,148 Arday iyo halka ardayda fasalka 4aad ee Dugsiyada sare yihiin 11,701, kuwaas oo ka aflaxay waxbarashada 707 Dugsi H/Dhexe iyo Sare oo ku kala yaalla gobollada Somaliland, kuwaas oo isugu jira Kuwo dowli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay.

 

Sida ay sheegen saraakiisha Wasaaradda Waxbarashada Sayniska iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, oo aannu kasoo xigganay xoggahaa, waxa ardayda fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe saaka u fadhiistay imtixaanka, ayaa ka kooban 12,290 Wiil iyo 8,858 Hablood oo dhammaystay waxbarashada 556 Dugsiyada H/Dhexe ee Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ku kala yaalla gobollada Somaliland.

Sidoo kale, Ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada Sare oo isugu jira 6,885 Wiil iyo 4,816 hablood, ayaa ka kala socday 151 Dugsi Sare oo ku kala yaalla guud ahaan dalka, laga soo bilaabo Gobolka Badhan ee Bariga dalka ilaa Gobolka Selal ee Galbeedka Dalka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka oo saaka warbaahinta la hadlay.

 

mtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo kuwa Sare ee Somaliland oo sannadkan ay ka qayb-galeen tiradii ugu badnayd Ardayda sannad kasta ka aflaxda Dugsiyada dalka, waxa ay ardaydu saaka ku galeen 265 goobood, waxaana hawsha ilaalinta iyo Agaasinta Imtixaanka ka qayb-galay 3,980 hawl-wadeen oo ay ku jiraan 753 askari oo ilaalinaya ammaanka goobaha Waxbarashada.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2020/2021, ayaa ka sokow inay ka qayb-qaadanayaan ardaydii ugu tirada badnayd, waxa uu sidoo kale sannadihii hore kaga duwan yahay inay ka qayb-qaadanayaan hawl-wadeennadii ugu tirada badnayd iyadoo sidoo kale la kordhiyey goobaha imtixaanka lagu galayo.

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo heer Qaran iyo Heer gobol leh, ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka qayb-galay furitaanka Imtixaanka, waxayna masuuliyiinta wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Sayniska iyo Tacliinta Sare Axmed Maxamed Diiriye Toorno, oo ay wehelyaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Axmed Abokor, Maddaxa Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud  Axmed Faarax, Maddxa maamulka iyo xisaabaadka, Maxamed Saleebaan Cumar  iyo Saraakiisha kale dhammaantood ka hawgaleen sidii ay dalka ugu hirgelin lahaayeen ixitixaanaadka saaka ka bilbaamay dalka oodhan, isla markaana wasiirka iyo masuuliyiinta kale isu qaybiyeen gobollada dalka si loom eel mariyo Imtixaanaadka dalka.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post