Araweelo News Network
Hargeysa (ANN) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga ugu amartay ardayda dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha kala duwan iyo guud ahaan bahda tacliinta ee dalka inay ka qaybqaataan taakulaynta gurmadka abaaraha kulul ee ka taagan waddanka waqtigan.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa wareegto uu soo saaray shalay oo uu wargeyska Jamhuuriya helay nuqul ka mid ah, waxa uu ku amray maamulayaasha dugsiyada dawladda, kuwa gaarka loo leeyahay, mac-hadlyada kala duwan iyo jaamacadaha ku kala yaal gobollada dalka iyo dhammaan ardaydooda inay cudud midaysan muddo saddex bilood ah wadajir ugaga qaybgalaan qaadhaanka caawinta dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen ee dhaqan degaannada bariga Somaliland.
“Mudanayaal/marwooyin;
Sida aynu la wada soconno dalkeenna qaybo ka mid ah ayey la soo deristay xaalad adag oo roob la’aantu keentay, ahna abaar adag.
Haddaba, iyadoo aynu Ilaahay ka baryeyno mar walba inuu innaga saaro dhibtan, waxa lagama maarmaan noqotay gurmad qaran oo taakulaynta abaaraha ah in lagu dhaqaaqo.
Sidaa darteed, bahda waxbarashadu waxay si xilkasnimo ku jirto uga qaybgalaysaa hawshan gurmadka ah. Waxbarashada sare, tan hoose/dhexe ee dawliga ah iyo kuwa meel ayey taakuladeennu isugu imanaysaa, waxana iyada oo faahfaahsan loo gudbinayaa bil walba qaddarka soo urura [lacagta] Guddiga Qaranka ee Taakulaynta Abaaraha, iyadoo Wasaaradda Waxbarashaduna ugu wareejin doonta xisaabta baanka uga furan guddigaas. Waxa sidaas loo yeelay in xog midaysan oo wadajir ah, lehna xisaabtankiisa tiro lagu soo ururiyo qaadhaanka taakulaynta oo socon doona muddo saddex bilood ah – November, December 2016 iyo January 2017, haddii Alle yidhaa.
Sidaa awgeed, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare markii ay wada-tashi yeelatay waxay go’aamisay in la bixiyo [qof kasta oo bahda waxbarashada ka tirsan] lacag saddex dollar amma 24,000 Sh.SL oo la kala bixinayo muddadaas saddexda bilood ah, kana bilaabmaysa bishan aynu ku jirno ee November 2016.
Guddoomiyeyaasha jaamacadaha, mac-hadyada, guddoomiyeyaasha waxbarashada gobollada, maamulayaasha dugsiyada Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada waxa la farayaa, laguna adkaynayaa inay xil adag iska saaraan hawshan gurmadka qaran ah.
Xisaab-socotada lagu shubayo taakulaynta bahda waxbarashadu waa HRGD52359.
Fiiro gaar ah:
Magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama, magaalo-madaxda Gobolka Gabiley ee Gabiley, magaalo-madaxda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera iyo magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, jaamacadaha iyo dugsiyada magaalooyinkaas kor ku xusan ardaydooda ayuun baa lacagtaas taakulaynta ah lagaga ururinayaa.
Waxa aan inoo rajaynayaa dhammaanteen guul iyo in Ilaahay innaga kor qaado dhibtan abaarta ka dhalatay oo Ilaahay roob raxmad leh ina siiyo,” ayuu wareegtiisa ku yidhi Wasiir Habbane.