X

Somaliland: Ardayda Dugsiga Nuuradiin Oo Ka Qayb Qaadanaya Dib U Dhiska Dugsiga Kadib Burburkii Soo Gaadhay

Araweelo News Network.

“Waxan Saxaynaa khalad qayb naga mid ah samaysay, Si Dugsigayagii noogu Furmo”Arday.

 

Hargeysa(ANN)-Qaar ka mid ah Ardayda Dugsiyadda Nuuradiin Schools oo ka mid ah kuwa ugu magaca weyn dugisyadda gaarka loo leeyahay ee Somaliland, ayaa ku muujiyay dareenkooda sida ay uga xun yihiin wixii ka dhacay dugsiga 3 March 2021.

Ardaydaa, ayaa ka qayb qaatay sidii dib loogu dhisi lahaa burburkii ay geysteen qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata dugisga, kadib markii ay iyagoo cadaysan fal axmaqnimo ah ku bur-buriyeen agabki dugusga, taas oo si weyn u dhaawacday damiirka Bulshada.

Rabshadaha dhaliyay khasaaraha ee ka dhacay Dugsiga, ayaa sababay inuu muddo xidhnaado dugsigu,balse maamulka dugsiga ayaa sheegay maanta in dib sida ugu dhaqsaha badan loogu furayo dugsigaa.

 

Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Ugu Caansan Somaliland Nuuradiin Schools Oo Ka Hadlay Arday Si Axmaqnimo Ah U Burburisay

Dhlinyarada Wiilasha ee Dugsiga Sare ee Nuuradiin hargeysa, ayaa sheegay in ay ka qayb qaadanayaan sidii dugsigooda dib loogu furi lahaa sida ugu dhaqsaha badan, waxayna sheegeen in ay saxayaan khalad ay sameeyeen qaar iyaga ka mid ah oo dhibaato u geystay dugsiga.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post