X
    Categories: Warar

Somaliland Arday Lagu Casuumay Aqalka Gollaha Wakiillada

Araweelo News Network.

Xoghayaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Oo Sharaxaad Ka Siiyay Qaabka Loo Hoggamiyo Gollha Xillliga Fadhiyada

Ardayda Gollaha wakiillada Somaliiland Booqatay , Araweelo nwews Network,.

Hargeysa(ANN)-Gollaha wakiillada Somaliland, ayaa lagu martiqaaday Arday wax ka barata mid ka mid ah Dugsiyadda Somaliland ee Carruurta, waxaana ujeeddadu ahayd in ay wax ka oggaadaan qaabka gollaha wakiillladu u shaqeeyo iyo hawl maalmeedkooda.

Ardayda Gollaha wakiillada Somaliiland Booqatay , Araweelo nwews Network,.

Xoghayaha gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaale oo ah khabiir tan iyo markiii la aasaasay gollaha wakiillada kusoo jiray hawsha gollaha iyo nidaamka shaqadooda, ayaa sharaad ka siiyay Ardayda habka uu shaqadiisa iyo waajibaadkiisa u guto.

Sidoo kale, wuxuu Ardayda oo ku faraxsan booqashada gollaha sharaxaad ka siiyay ahmiyada uu qaranka dhismaha qaranka u leeyahay gollaha wakiillada ee sharcidejinta iyo habka uu waajibaadkiisa shaqo u guto.

Xoghayaha Gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa sidoo kale Ardayda tusay qaabka ay u fadhiistan gollaha wakiilladu iyo kuraasta xildhibaanada iyo shirgudoonka gollaha ay fadhiistaan.

Ardayda xiisaynayay booqashada ay ku tageen dhismaha iyo hoolka ay muddanayaashu ku gutaan waajiboodkooda shaqo, iyagoo Ardayda oo isugu jiray wiilal iyo hablo fadhiisteen kuraasta xildhibanada, isla markaana si kalsooni iyo faraxad ka muuqato u dhegeysteen sharaxaada laga siiyay hawlaha gollaha wakiillada iyo waajiibaadkiisa.

Arrintan ayaa u muuqata mid tusaale fiican oo dhiirigelin ah, waana markii u horraysay ee Arday sidan oo kale loogu casuumo hoolka fadhiyada ee gollaha wakiillada Somaliland.

Halkan ka Daawo Muuqaalka

ttps://fb.watch/c5k0KmszP2/

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post