Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin adag oo la xidhiidha kor-u-kaca qiimaha sarrifka lacagta shillinka Somaliland u dirtay ganacsatada sarriflayaasha ee ka shaqaysa isku beddelka lacagaha.
Qiimaha sarrifka lacagta doollarka ee shillinka Somaliland ayaa sicir-barar xooggani ku yimmi maalmihii u dambeeyey, iyadoo halka dollar marka lagu beddelo lacagta shillinka Somaliland uu qiimihiisu gaadhay siddeed kun oo shillin ($1dollar = 8,000SL/SH).
Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Md. Cabdillaahi Xasan Aadan oo warbaahinta kula hadlay xarunta Bangiga Dhexe ee Haregysa shalay, ayaa ka hadlay kor-u-kaca ku yimmi sarrifka lacagta qallaad ee saamaynta taban ku yeelatay nolosha shacabka danyarta ah.
Wasiir Samsam waxay digniin u dirtay ganacsatada ka shaqaysa sarrifka lacagaha oo ay ku eedaysay in aanay u tudhayn shacabkooda jilicsan, waxaanay ugu baaqday inay hoos u dhigaan sarrifka lacagaha, haddii kale tallaabo laga qaadi doono.
Marwo Samsam oo arrimahaasi ka hadlaysaana waxay tidhi, “Annagoo safar ugu maqnayn abaar aad u adag oo ka dhacday bariga dalka, inkastoo imminka uu roobkii bilaabmay oo uu meelo badan ka curtay, waxa dhacday in sarrifkii dollarku uu kor-u-kacay oo siddeed kun iyo dheeraad lagu sarrifay halkii doollar, ummaddii aannu halkaa ku soo aragnay ee masaakiinta ahaa ee mushaharkii yaraa ee ay qaadanaysay kor u hayaan oo uu waxba u goyn waayey.
Madaxweynaha oo aan la socday waxa uu amar igu siiyey inaan gaadhiga kaga hor dego Baanka oo aan kala hadlo dadka gacanta ku haya lacagta dollarka inay u tudhaan ummadda, haddii ay u tudhi waayaana ay dawladdu masuul ka tahay oo sidaa loogu gurmaday abaaraha ee loogu xaytay in tana loogu xaydanayo, waayo ummadda waynu ilaalinaynaa haddii ay kuwa miyiga jooga tahay iyo hadday kuwa magaalada joogaba tahay. Waxa ka go’an dawladda in ummaddu lacagtooda ay wax ku iibsan karto oo ay wax u goyn karto. Waxaannu doonaynaa in aannu ka wada-tashano dadka lacagta adagi gacanta ugu jirto ee dadkii ku dul baayacaya ee ka dilaalaya ee aan abaar eegayn ee aan waxba eegayn inay ummaddooda u tudhaan, haddii kale ay dawladdu go’aamo adag oo hadhowto aan ka farxin laga qaadan doono, haddii Ilaahay yidhaahdo.”
Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe ee Somaliland Mr. Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo madaxda Bangiga Dhexe ay ka go’antahay sidii lacagta Somaliland qiimo u yeelan lahayd.
“Haddii aan askariga jiida hore jooga mushaharka uu qaataa waxba u tari waayo waa mushkilad. Imminka waa wargelin, waxa loo sheegayaa qolada sarrifka goysa in aanay dhaafinin heerkii uu marayey, shillinka Somaliland inuu qiimo yeesho ayaa ka go’an Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka Dhexe iyo Madaxda Baanka Dhexeba,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Somaliland.