X

Somaliland: Agaasimaha Qorshaynta Ee Wasaaradda Ciyaaraha Oo Sharaxay Qaabka Lagu Xallin Karo Khilaafka Waajibaadka Shaqo Ee Wasaaraddaha

Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin. 3January 2019.

Hargeysa(ANN)-Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, ayaa ka hadlay qaabka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafka waajibaadka shaqo ee Wasaaraddaha, wuxuuna sharaxay mashruuca shaqo-carbinta iyo siyaasada xukuumadda ee lagu hagayo.

Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxa weedhihii iyo sharaxaadii uu ka jeediyay kulankaa si weyn usoo jiiteen dareenka ka qaybgalayaasha, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Shaqadda, Qoyska iyo Arrimaha Bulshadda Marwo Hinda Gaandi soo dhowaysay tilmaamaha qiimaha badnaa ee Agaasime Cabdirashiid Caydiid Yaasin.

“Kulanka la tashiga Siyaasada shaqa carbinta, waxay muhiim u tahay inay Bulshaddu ka qaybqaadato siyaasadaha kasoo go’aya xukuumadda, kuwaas oo aan ahayn awaamiir dusha lagaga keenay, waxaana kulankan u danbeeyay lala tashaday Jaamacaddaha dalka oo ah halka ay ka imanayaan Ardayda shaqa-carbinta u baahan. Mashruuca markii naloo keenay Wasaarad ahaan, waxaanu eegnay xeer nidaamiyaha, waxa Wasiirkayagu nagu amray in mashruucaa loo wareejiyo Wasaaradda Shaqadda, Qoyska iyo Arrimaha Bulshadda” Ayuu yidhi, Agaasimaha Waxaada Qorshaynta ee Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo ka hadlayay kulan lagaga hadlayay mashruuca shaqa-carbinta oo lagu qabtay Hargeysa.

Wuxuuna Agaasime Cabdirashiid ka codasay Wasiiradda Wasaaraddaha Qaranka inay mar walba iyagoo ka duulaya Xeer nidaamiyaha ku haggaan siyaasadooda si aanay u iman muran iyo khilaaf soo dhexgala wasaaraddaha.

Wuxuuna Agaasime Cabdirashiid ka codsay Wasiiradda Wasaaraddaha Qaranka inay mar walba iyagoo ka duulaya Xeer nidaamiyaha ku haggaan siyaasadooda si aanay u iman muran iyo khilaaf soo dhexgala wasaaraddaha.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post