#Araweelo-News_Network.
Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, Eng. Cali Cabdullaahi , ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Bangiga iyo Agaasimihii hore ee Bangiga.
Maxamed Qaasim oo ah nin dhalinyaro ah ayaa xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Bangiga Somaliland, Agaasimaha cusub Maaxmed Qaasim ayaa dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi u magcaabay xilkaa, waxaana munaasibadda xil wareejinta maanta lagu qabtay Hoolka Bangiga Dhexe.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cali Cabdullaahi, ayaa xilka u kala wareejiyay labada Agaasime, waxaana goob joog ka ahaa masuuliyin ka socotay laamaha Bangiga, Bangiyada gaarka loo leeyahay iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye Cali, ayaa ku amaanay Madaxweynaha inuu xilalka sidan oo kale ah ee miisaanka culus usoo magcaabo dhalinyaro aqoonyahan ah.
Dhinaca kale, Agaasimaha cusub Maxamed Qaasim, oo ahaa Macalin wax ka dhiga Machadyada dalka, ayaa ka yimi degelada waxbarashada oo muddo dheer uu kusoo jiray, wuxuuna uga mahad celiyay Madaxweynaha inuu xilka culus u garto, isagoo tilmaamay inuu qarankiisa u adeegayo oo uu kasoo baxayo masuuliyada uu qaaday.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
http://archive.araweelonews.com
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com