“Qabrigaygu Deyr Ma Leh, Yaan Lay Dabaaldegin Ilmo Layla Dabagelin, Qofka Ii Duceeyoow Rabbigay ku Derejee” Dardaarankii Abwaan Hadraawi Maloo Raacay
Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Allah haw anxariistee waxa maanta gelinkii danbe lagu aas qaran loogu sameeyay xabaalaha Bacqiiq ee waqooyiga Magaalada Hargeysa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo Khamiistii shalay 18 August 2022, ku geeriyooday Cusbitaalka Hargeysa.
Aaska marxuumka, waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Masuuliyiinta kale ee gollayaasha xukuumadda, Axsaabta Mucaaradka masuuliyiin ka socda dalalka jaarka, deegaamada Soomaalida ee kale iyo dadweyne kala kala yimi goboladda Somaliland iyo kumaan shacbiga Somaliland ee Hargeysa ah.
Laxidhiidha: Taariikhda Badweynta Iyo Gebagebada Noloshii Abwaan Hadraawi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta kale ee ka hadlay geerida Marxuum Maxamed Ibraahim Ibraahim Warsame “Hadraawi” iyo shaqsiyadii uu ahaa, iyadoo dhammaan masuuliyiinta ka hadlay geerida marxuumka tilmaameen saamayntii noloshiisa, suugaantiisa halganka xaq u dirirka ee soo taxnayd in ka baddan lixdan sannadood iyo doorkii uu ku lahaa halgankiisa suugaantu sidii loo heli lahaa bulsho wanaagsan oo dhaqan ahaan iyo diin ahaan ku tiirsan Illaahay.
Abwaan Hadraawi oo ahaa xeel-dheere suugaantiisu dunida ku faaftay, isla markaana daxal weyn uga tegey dhammaan bulshada Afka Soomalida ku hadasha, waxayna ka tacsiyeeyeen qoyskiisii, ehelkisii iyo dhammaan bulshada Soomaalida ee Abwaanka jeclayd, waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa ugu deeqo, iyagoo tilmaamay inuu ahaa qof wanaagsan oo gutay waajibkii uu Allah u keenay aduunka, isla markaana ummaddiisa ugu jiray sidii ay horumar iyo wanaag u samayn lahayd ee xaqa Allah iyo xadhigiisa u raaci lahayd.
Laxidhiidha: Abwaan Hadraawi Halgamaa Ku Taxnaa Taariikhda Geyiga Soomaalida Oo Geeriyooday
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” wuxuu codka dadka dulman iyo kuwa la dulmay, isagoo u muuqday inuu ahaa waardiyihii bulshada; wuxuu farta ku fiiqay dariiqa saxda ah ee loo baahanyahay in ay tahay in bulshadu marto in kasta oo aannay bulshadu ficil ahaan u roggin maansooyinka iyo gabayada suugaantiisa , balse suugaantiisa ayaa noqotay mid aan ku koobnayn geyiga Soomaalida oo keliya, waxayna noqotay mid ku faaftay dacalada dunida oo lagu gudbiyay luqado kale, maadaama ay in baddan oo ka mid ah suugaantiisu ka hadashay dadyow kale oo ku dulman dunida guudkeeda.
Geerida Abwaan Hadraawi, ayaa si weyn looga dareemay Guud ahaan dalka iyo Gobolka geeska Afrika ee Soomaalidu degto iyo dunida kale, iyadoo dhambaalo tacsi ah ay soo direen madaxda dalalka gobolka iyo dadyow kale oo isugu jira diblamaasiyiin shisheeye oo dalalka Maraykanka, Britain iyo shaqsiyaad caan ah oo leh abwaano iyo qorayaal, suuganayahano Soomaali iyo ajaanib ah.
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” waxa uu sannadki 2012 qaatay oo ku guulaystay abaalmarinta Caalamiga ah ee Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay gabayada iyo maansooyinka, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa Shakespeare-kii qarniga, wuxuuna ka mid ah 12 Suugaanyahan Faylasuuf (philosophy) oo dunida loo xidhay gabayo iyo suugaan ay dadka ku kicinayeen.
Hadraawi; wuxuu ahaa faylasuuf ( philosophy) Soomaaliyeed ee nool. Gabaygiisu waxa uu u samaysan yahay qaab heersare ah oo af-soomaaliga wax baddan kusoo kordhiyay, isaga oo adeegsanaya muuqaallo iyo qoraal iyo tiraab dhawaq ah, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa gabaygiisa sida ay doonayaan u adeegsada, waxayna gabayadiisa intooda badan leeyihiin heeso faneed.
Sidoo kale, Maansooyinkiisu waxa ay ka hadlayaan arrimaha dagaalka iyo nabadda, jacaylka, dhaqanka bulshada iyo qiyamka, maamul-xumada dawladnimada, caddaaladda, waddaniyadda, caqiidada wanaagsan ee Islaamka iyo qaar kale oo badan.
Hadraawi qoraal uun kuma koobnayn ee waxa uu si mug leh uga qayb qaatay isbeddelka bulshadiisa ka dhacay wuxuuna ku dhiiraday in uu ku dhaleeceeyo dawladii dabadhilifka ahayd ee Siyaad Barre ruwaayad uu alifay, waxa lagu soo oogay dacwad, isaga oo diiday in uu raali-gelin ka bixiyo shuruudda keliya ee lagu sii dayn karo, wuxuuse diiday inuu ka laabto mawqifkis, isagoo ku mutaystay xadhig muddo shan sannadood ah.
Xilligii sagaashanaadkii oo dalka Britain uu gaadhay, wuxuu diiday inuu magangalyo ka raadsado Boqortooyada Ingiriiska, wuxuu muddo kaddib kusoo laabtay dalkiisa sagaashanaadkii, si uu keligiis u hoggaamiyo socodkii loo bixiyay “Nabadda Hadraawi”) oo uu ku codsanayay nabadda iyo joojinta dhammaan colaadaha, isagoo u arkayay in maansadu aannay ahayn fanka oo keliya, balse sidoo kale waxa uu u arkayay in ay tahay aalad lagu lagu beddelo bulshada.
Abwaan Hadraawi ayaa loo raacay dardaaranka maansadii uu ka tirayay qaabka loo aasayo marka ay timaado malintiisu, wuxuuna ku yidhi maansada dardaaranka ah sidan:-
Cishaday dellegan tahay
Dalandool u tahay iil
Godka loogu daadego
Naftu way dayacan tahay;
Dulucdani nin nooloow
Anna tayda doqonta ah
Waa dardaarankeedii.
- Cishaday dellegan tahay,
- Dalandool u tahay iil,
- Godka loogu daadego,
- Naftu way dayacan tahay;
- Dulucdani nin nooloow,
- Anna tayda doqonta ah,
- Waa dardaarankeedii;
- Qabrigaygu deyr ma leh,
- Derbi iyo astaan ma leh,
- Dugsashiyo ag-joog ma leh,
- Dunbukh iyo salaan ma leh,
- Damdam iyo aloos ma leh,
- Iyo darammal luuq dheer,
- Dab la rido ka waaweyn;
- Ilmo layla daba galo,
- Naxashkayga lagu dedo,
- Duxi iima saarnee,
- Yaan layga sii darin!
- Yaan la ii dabbaal-degin!
- Kol hadday dac-wadhan tahay,
- Dembigeeda keydka ah,
- Dibnaheedu qirayaan,
- Lafahayga duugga ah,
- Yaan dushooda lagu shirin,
- Billad dahab ah lagu tolin,
- Iyo taallo damac badan.
- Qofka ii duceeyoow,
- Rabbigay ku darajee,
- Qofka iga ducaystoow,
- Dummaddaada weeyaan.
Maansadani waxay soo baxday 26/8/2006.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com