WAR SAXAAFADEED

๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜…๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ ๐—ผ๐—ผ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—˜๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐˜†๐—ด๐—ฎ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—™๐—ถ๐—ป๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐˜‚๐˜‚ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ก๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ซ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ต๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—š๐—ฒ๐—ฒ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ณ๐—ฟ๐—ถ๐—ธ๐—ฎ

Hargeysa – 03-02-2025-(ANN )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) (oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Finland.

Weftigaasi waxa hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed).

Weftiga waxa kale oo ka mid ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Finland u qaabilsan Bariga Afrika iyo dalalka Afrikada Koonfureed (Mr. Jukka Pajerinen).

Hadallo soo dhaweyn ah iyo mahad-naq khuseeya kaalmada ay Finland u fidiso Somaliland xagga horumarka ka dib, Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal khibrad iyo waayo-aragnimo u leh Xallinta khilaafaadka iyo dhismaha Nabadda muddo ka badan 34 sano, haatana ay Somaliland diyaar u tahay in ay cid kasta kala shaqayso Arrimaha Nabada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaana Degmada Ceerigaabo iyo bariga Gobolka Sool.

Madaxweynuhu wuxuu Weftiga u sheegay in maalintii xilka loo dhaariyey (12.12.2024) uu ku baaqay Gogol Nabadeed oo aan Shuruud lahayn, welina ay Xukuumadda Somaliland ka go’an tahay in xal waara iyo is-afgarad lagu soo af-jaro shaqaaqooyinka haatan taagan.

Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland tahay dal lagu yaqaano nabad, xasilooni, dimuqraadiyad, sarraynta sharciga iyo dhawrida Xuquuqaha Aadamaha. Sidoo kale, in Xukuumadda Somaliland aanay ahayn mid dadkeeda kula jirta dagaal, balse anaga (Somaliland) lagu soo qaaday duullimaad caadifadaysan taasoo Xukumadiisa yagleelka ah lagu bilaabay dagaal 2 cisho ka dib markii uu xilka la wareegay (14.12.2024 /Ceerigaabo).

Madaxweynaha JSL wuxuu Weftiga Finland u sheegay in Somaliland diyaar u tahay in ay Beesha Caalamka kala shaqayso dhinacyo badan, gaar ahaan Iskaashiga iyo ka wada shaqaynta Amniga iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynuhu wuxuu Weftiga Finland ka codsadey in Finland ka taageerto Somaliland tayaynta iyo dib-u-habaynta adeegyada lagama maarmaanka u ah baahiyaha bulshada JSL, sida adeega Caafimaadka, Waxbarashada Sare iyo Casryeynta Nidaamka Cashuuraha, maadaama dalka Finland uu yahay dalka ugu horreeya Caalamka adeegyadan.

Weftiga uu hoggaaminayay Ergayga Gaarka ah ee dalka Finland uu qaabilsan Arrimaha Nabada iyo Xallinta khilaafaadka Gobolka Geeska Afrika (Mudane Suldaan Saciid Axmed) ayaa iyaguna dhinacooda Jam. Somaliland ku ammaanay doorashooyinkii dayaaqadii 2024-kii ka dhacay Somaliland, dimuqraadiyadda qaan gaadhka ah ee ka hana-qaaday Somaliland iyo sida ilbaxnumada leh ee loola kala wareegay.

Ergayga Nabadda ee Finland waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyey aasaaska Guddida Nabadda oo M/weynuhu dhawaan magacaabay, isagoo sheegay in arrinkaa dalkiisa aad looga soo dhaweeyey, diyaarna ay u yihiin in Guddida Nabadda la gacan qabto.

Ergaygu wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu Somaliland kala shaqeeyo xagga nabadda iyo dhex-dhexaadinta shaqaaqooyinka ka jira Bariga Gobolka Sool iyo Ceerigaabo.

Sidoo kale, Ergayga Nabadda ee Finland wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in ay Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha xagga horumarka, dawlad wanaaga, tayeynta adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, adeegyada caddaalada iyo xabsiyada, iwm.

Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyada ayaa iyaguna dhinacooda waxay Ergayga gaarka ah ee Nabadda iyo Xallinta khilaafaadka dalka Finland uga mahad naqeen booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxayna hoosta ka xarriiqeen in ay Somaliland tahay dal la isku hallayn karo dhan kasta oo la eegaba, isla markaana la gaadhay xilligii bulshada caalamku ku baraarugi lahayd wanaaga iyo horumarka ka hirgalay Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu Weftiga Finland ka codsaday in Somaliland laga taageero u-jahaynta daโ€™yarta JSL ee xagga Shaqo abuurka dhallinyarada, gaar ahaan xagga Hal abuurka iyo ciyaaraha oo si gaar ugu wajahan Nabadda, Xasiloonida, Midnimada iyo wax-wada-lahaanshaha ummadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),

๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐