X
    Categories: Warar

Somalilan: Xukuumadda oo ku Eedaysay Xisbiga WADDANI inuu Dalalka Yurub u Gudbiyey Qoraallo Hadimo ku ah Qaranka

Araweelo News Network

[/caption] Hargeysa (ANN)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI inay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub u gudbiyeen qoraallo hadimo ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Wasiir Caddaani oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu ku tilmaamay xisbiga WADDANI inuu xulafo la noqday cadawga ka soo horjeeda qaranka iyo madaxbannaanida Somaliland. “Waxaan leeyahay saaxiibkay Xirsi (Hoggaamiyaha WADDANI), madaxweynuhu wuxuu u gurmaday bulshada Somaliland ee abaartu saamaysay oo ay u gurmadeen isaga iyo xukuumaddiisu, idinkuna (WADDANI) markii aad war-wareegayseen Yurub ee lacagtii ay qurbo-jooggu ugu talogaleen inay dadkooda ku caawiyaan ee aad idinkuna lahaydeen qaranka iyo dalku wuu burbursan yahay oo waxba ma jiraane annagaa wax dhisaynee na siiya. Beenta iyo hagar-daamada xafiisyada Yurub aad la marayseen adiga (Xirsi) iyo Cirro (murrashaxa WADDANI). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumaddiisu iyaguna waxay ku hawlanaayeen sidii ay uga hawlgeli lahaayeen taakulaynta dadka abaartu haleeshay,” ayuu yidhi Wasiirku. Waxa uu intaas ku daray, “Waxa in badan soo noqnoqonayey intii masuuliyiinta xisbiga WADDANI marayeen Yurub ee ay wax aan salka iyo raadka toona lahayn la wareegayeen, annagu dawlad ahaan umaanaan jawaabin, waanuna ogayn inay xafiis walba dhigayeen waraaqo ay ku hagar-daamaynayaan madaxbannaanida, jiritaanka iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waa ayaan-darro in ragga madaxtinimada doonayaa, shantii sannadood ee u danbeeyeyna madaxweynaha dhinac fadhiyay; waa Xirsi’ye iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada (Cirro) ay inoo raacaan oo la xulafoobaan kuwa Somaliland jiritaankeedda ka xun.” Waxa kaloo Wasiir Caddaani uu ku sheegay Xirsi Cali Xaaji Xasan khaa’in isku dayey inuu inqilaabo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaannu yidhi; “Xirsi (Hoggaamiyaha WADDANI) in badan buu faanayey, faankana wuxuu moodayaa in aanay dadku la joogin. Ninka la yidhaa Amiin Arts ayaa Xirsi arrintiisa koobay, isagoo Xirsi iska dhigaya wuxuu yidhi. ‘Arrinta Xirsi lagu xusuusan doono waxa ka mid ah fudayd, faan badan, ku-tagri-fal, xagjirnimo, jawa-wareer, inqilaab iyo jar-iska-xoor, aniguna aan ku darsadee taasi waa khaa’inimo. Horta Xirsi waa ninkaas. Taas waxa ka sii daran isagoo Xirsi inqilaabkii ka fashilmay ka dhigtay xafladdiisii qallin-jabinta dugsiga siyaasadda Siilaanyo, isla markaana ku ceebeeyey Guddoomiyaha KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi ku sii jirista dugsiga siyaasadda ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.” Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu farriin hanjabaad ah hawada u dawladda taagta daran ee dalka Soomaaliya, “Ciidankii Afrika ugu xoogga weynaa ee Soomaaliya xilligii Maxamed Siyaad Barre ee Somaliland la dagaallantay, ciddii dawladdaas burburisay waa Somaliland. Ragga maanta Soomaaliya ka taliyaa ha ku cibro qaataan baannu leenahay. Annagu waxaannu nahay dawlad iyo dal doonaya inuu nabadgelyo kula noolaado jaarkiisa oo dhan, waxase naga go’an oo ballan ah in aanaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland cidna u daba fadhiisanayn.” “Waxaannu leenahay Soomaaliya dalkiina ayaa idiinka baahan inaan nabadgelyadiisa sugtaan, Somaliland xuduudaheeda way sugaysaa, waxaanan farriintan u diraynaa Madaxweynaha, Ra’iisal-wasaaraha iyo shacabka Soomaaliya. Waxaannu doonaynaa inaannu dad jaar ah oo saaxiibbo ah noqonno, haddiise aad ku soo xadgudubtaan oo aad istidhaahdaan hagar-daameeya qaranka Somaliland waxa hubaal ah inaad sidii kuwii hore ugu fashilmeen si ka xun ugu fashilmi doontaan,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post