X

“Somaliland Waanu Ka Tashanaynaa Haddii Aan Xasaradda Iyo Xumaan Ka Doonka Laga Deyn Guddoomiye Khaliif, Siyaasiyiinta Sool

Araweelo News Network.

“Xaabsade ayaa sidaa oo kale loo canbusay”

Hargeysa(ANN)-Siyaasiyiin kasoo gobolka Sool, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi in guddoomiyaha gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed laga daayo, waxay ugu yeedheen “juqa-juqayn”.

Siyaasiyiintaa oo xildhibaano kasoo noqday gollaha wakiillada, isla markaana xilal kasoo qabtay Somaliland xilligana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, waxay Madaxweyne Biixi ku eeddeeyeen inuu dalka qas iyo qalalaase ka abuurayo.

Labadan Siyaasi oo kala ah Cali Cantar iyo Cismaan Xuseen Gurxan oo loo yaqaan (Kalash), waxay ka hadleen xiisadda iyo khilaafka ka taagan gollaha wakiillada Somaliland ee uu guddoomiya u yahay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxayna ku hanjabeen in haddii guddoomiye Khaliif laga deynwaayo “juqa juqaynta” in ay ka tashanayaan Somaliland.

Siyaasiyiintaa oo maanra warbaahinta qaarkeed kula hadlay Magaaladda Hargeysa, waxay ka hadleen khilaafka siyasadeed ee xilligan ka taagan dalka, iyagoo ku eeddeeyay Madaxweyne Biixi inuu masuul ka yahay arrimahaa.

Cali Cantar iyo Cismaan Kalash, waxay ku macneeyeen arrinta guddoomiyaha gollaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif mid la mid ah tii xilligii Madaxweyne Cigaal ee sagaashanaadkii guddoomiyihii gollaha wakiillada Axmed Cabdi Xaabsade ee ka cadhaysiisay Garaad Cabdi Qani Garaad Jaamac, isa markaana sababtay in ay dadka deegaanka Sool ka baxaan Somaliland.

Laxidhiidha: Xildhibaan Guruuje Oo Madaxweyne Biixi Uga Digay In Khilaafka Gudoomiye Khaliif Maro Dariiqii Xaabsade 24 Sanno Ka Hor

“Arrinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ee daaha dabadiisa loo fadhiyo, haddaan mud-mudka, xumaan ka doonka iyo xasaradda laga deyn Cabdirisaaq Khaliif waxaanu noqonayanaa kuwii ka tashada Somaliland” ayay ku hanjabeen labada Siyaasi oo kasoo jeeda gobolka Sool ee guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif kasoo jeedo.

Waxay sheegeen in arrintan hore u dhacday xilligii Madaxweyne Cigaal oo la canbusay ina Xaabsade, balse markii Somaliland Garaad Cabdiqani ka hulleelay ee isaga iyo raggii la socday ee dadka deegaanka laga tashaday ay iyagu diideen, sidaa awgeed waxay ka digeen in arrintaa lagu dhiirado, “Madaxweyne Gollayaasha aad kic-kicinay ka daa, waxay dhalaysaa fawdo ku bilaabanta Somaliland oo annaguna aannu ka tashano.”

Muuqaalka oo dhammystiran halkan ka Daawo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post