X
    Categories: Warar

Somaliland: Taliska Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Xadhiga Cabdullaahi Axmed Daamur Oo Saraakiisha Xisbiga WADDANI Ka Tirsan

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Afhayeenka ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Ganshaale sare Faysal Xiis ayaa ka hadlay xadhiga Siyaasi Cabdullaahi Axmed Daamur oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo ay ciidanka Boolisku xabsiga u taxaabeen. .

Sarkaalka WADDANI, ayaa la xidhay kaddib markii ay isaga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisa qaarkood ka qaybgaleen dhegaysiga dacwad ka socotay Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo saraakiil horre looga xidhay Xisbiga WADDANI ugu socotay, taas oo rabshad ka dhalatay ay Boolisku tacshiirado rasaas ah rideen, iyadoo markaa kaddib ay xabsiga u taabeen Cabdullaahi Daamur.

Afhayeenka Booliska Somaliland Ganshaale sare Faysal Xiis oo caawa ka hadlay dhacdadaa, ayaa u sheegay Wariye Mahad Geelle oo ka tirsan Bahda HadhwanaagNews in xadhiga Siyaasi Cabdilaahi Daamur ka dhashay sida uu sheegay in ninkaasi uu Xaalad abuur kula kacay dhegaysiga dacwadda loo haysto guddoomiyaha garabka dhallinyarada iyo xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani oo maxkamadda ka socotay , isla markaana uu dil ugu hanjabay taliyaha saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa

“Eedaysanaha xidhan oo loo yaqaan Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur waxa uu si ula kac ah u weeraray taliyaha saldhiga dhexe ee booliska hargeysa Ganshaale Maxamed Ismaciil (Maxamed Case) waxaanu ku yidhi “ xabad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa isaga oo sarkaalkaasi ku guda jira xilkii qaranku u igmaday taasi oo ah mid ka baxsan nidaamka sharciga , markii laga dareeray maxkamadda ayey ciidanku ninkaas kusaa qabteen debadda “ ayuu yidhi

Afhayeenka Ciidanka booliska Somaliland ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabmatay arrinta muranka iyo rasaasta dhalisay ee maanta ka dhacday maxkamadda gobolka Hargeysa horteeda.

“markii dadweynaha loo fasaxay in ay fadhiistan hoolka Maxkamadda si ay u dhegaystaan dacwadda labada Eedayse ee kala ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis, waxaa buuq iyo sawaxan halkaa ka bilaabay nimankii ka socday xisbiga Waddani oo ay ka mid ahayeen kuwii shalay saxaafadda la hadlayey iyaga oo u adkaysan waayey eedii uu kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranku”

Faysa Xiis ayaa sheegay in ciidanka lagu soo qaaday weerar loo adeegsaday dhagaxaan iyo budhadhka, islamarkaana uu dhawaac ka soo gaadhay qaar ka tirsan ciidanka

“niman abaabulan oo ka tirsan xisbiga Waddani oo hoolka maxkamadda fadhiyey waxa ay ciidankii kusoo qaadeen weerar ay u adeegsadeen dhagaxaan, Budhadh iyo iwm , waxaanay dhaawacyo u gaysteen qaar ka tirsan ciidanka booliska”

Ugu danbayntii Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Ganshaale Sare Faysal Xiis ayaa fariin u diray guud ahaan Madaxda iyo xubnaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, isagoo yidhi, “waxaan leenahay war ha noqonina hasha geela cunta ee cabaada, war iska daaya ciidanka booliska oo noqda sida axsaabta kale

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post