X
    Categories: Warar

#Somalia:Dar-Daaranka Madaxweynaha Djibouti Ee Soomaalida Kadib Booqashadii Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagebeeyay booqasho labada maalmood ahayd oo uu ku tegey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dalka Djibouti oo maanta dalkiisa ku laabtay, ayaa xadhiga ka jaray ka hor intii aanu ka duulin Muqdosho dhismaha cusub ee safaaradda kaddib, wuxuuna Hoolka Shirarka ee loogu magacday General  Kaahiye oo ay ku sugnaayeen labada Aqal ee dawladda Federaalka ka jeediyay khudbad dardaaran ah.

“Waxaa qalbigaygu uu la damqanayaa waxa inaga dhexeeya. Dadaalkii labaatan sanno ka hor ka soo billawday shirkii Carte ee ahaa inaan ku adkeyno cisigeenna iyo sharafteenna innagoo isku duuban, dunidaan tartan kula geleynaa taas ayaa midha dhalay, waxaana ujeedadu ahayd sidii Soomaaliya ula soo noqon lahayd dowladnimadeeda iyo sharaftii ay caalamka ku lahayd” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale, wuxuu sheegay innay  waajib tahay in la ilaaliyo xornimada ummadeed isaga oo dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyay dadaallada ay dhexdooda mar kasta ku xallistaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, wuxuuna  hoosta ka xarriiqay in Dowladda Djibouti ay ka go’an tahay in Soomaalidu wixii is-faham waa ah ay dhexdeeda kudhammaysato.

Madaxweyne Farmaajo oo ku weheliyay Madaxweyne Geelle  munaasibada xadhigga uu kaga jaray dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Djibouti ku yeelanayso Soomaaliya, ayaa ka hadlay booqashada Madaxweyne Geelle iyo wefdigiisa, isagoo yidhi,” soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho waxay ka tarjumaysaa wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Djibouti, waana muhiimadda xidhiidhka walaaltinimo iyo wadashaqaynta labada dal”.ayuu yidhi, Farmaajo.

“Horre abaal waan idiin galnay waadna guddeen, annagana waad noo gasheen waana gudi doonnaa.” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post