X
    Categories: Warar

Somalia: Xukuummadda Oo Ansixisay Kamid Noqoshada Axdiga Qaramada Midoobay Ee Xuquuqda Naafada

Shirka golaha wasiirada Somalia

 

Muqdisho(ANN)– Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qayb  ka noqoto Axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, kaas oo golaha ay usoo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska , Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda, Isla markaana lagaga dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Sida lagu Sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kulanka kadib soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, waxay Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post