X

Somalia Oo Ka Hadashay Qorsheheeda Ku Waajahan Dagaalka Al-shabaab

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacay gobolka Hiiraan iyo dadkii lagu laayay, wuxuuna ku hanjabay in ay ka xoraynayaan deegaankaa xarakada Al-shabaab oo sida uus heegay daadinaya dhiiga shacabka.

Laxidhiidha: Al-shabaab Oo Sheegatay Weerar Khasaare Dhaliyay

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa sidaa ka sheegay mar uu hadal ka jeediyay munaasabadda lagu daah-furay qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida dalka, kulankaa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaank, wuxuu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.

Mudane Xamse ayaa tilmaamay in wadajir loogu istaago sidii dalka looga sifayn lahaa kooxaha Al-shabaab oo uu ku tilmaamay in ay yihiin koox argagaixiso ah oo u taagan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Sidaa awgeed wuxuu xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay xorraynta goobaha ay argagixisadu ka soo maleegayaan daadinta dhiigga shacabka, isagoo intaa ku daray inuu murugada geerida la wadaagayo ehellada shacabkii sida uus heegay ay argagixisadu ku gumaadeen gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Galgaduud.

“Waxaan ugu hambalyaynaya ciidanka qalabka sida iyo shacabka isu abaabulay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xukuumaddiinu waa idin garab taagan tahay, dagaalka cadowgana waa wadaynaa ilaa laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayan, saaka oo u danbeysay waxaa laga xorreeyey deegaanka Basra oo ay shacabka ku dhibaateynayeen, wuuna sii soconayaa inta laga sifeynayo meelaha ay ku dhuumanayaan.” Ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Xamse

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post