X
    Categories: Warar

Somalia: Xukuumadda Federaalka Oo Maamul Goboleedyada Digniin U Dirtay

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Muqdisho(ANN)-Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, ayaa uga digtay maamul goboleedyada in aanay qaadin tallaabooyin baalmarsan dastuurka, waxayna ku dhaleecaysay faham-laa’aanta ka haysata dastuurka iyo nidaamka Federaalka.’


Sidaana waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay masuul ka tahay guud ahaan dalka.

Wasiir Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si gaar ah u tilmaamay oo farta ugu fiiqay in madaxda Maamul goboleedyada dalka si sharci darro ah ay ugu dhoofaan dalalka caalamka oo uu sheegay in ay kula kulmaan Madaxweyneyaal dalalka ay tagaan, isla markaana ay taasi sharci darro tahay oo laysku maxkamadeyn karo.


“Hadda ka dib ma jiri doono in Madaxweyne maamul goboleed inuu la kulmo Madaxweyne dal kale, isaga oo aan fasax ka haysan dowladda Federaalka, sida horay u dhici jirtay way iska kala kulmi jireen, iyada oo xataa dal cadow ah ay qaarkood u safraan.” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Maareeye.


Wuxuu sheegay in Madaxda maamul goboleedyada qaar ay isu arkaan dal ka madax banaan Soomaaliya oo waxa ay doonaan samayn kara, sidoo kalana qaadan kara go’aanno aanay la ogayn dowladda Federaalka, isagoo ku hanjabay in taasi dhamaatay hadda wixii ka dambeeya oo ay xukuumad ahaan isha ku haynayaan dhaqdhaqaaqooda.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay hilaafka Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowadda Feraalka, waxa uu sheegay in Ahlu-Sunna ay tahay Urur dalka wax badan u soo qabtay dowladdana kala shaqeeyay la dagaalanka argagixisada, sidaa awgeed xalinta khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda dhexe lagu jiro xilligan, isagoo ka dalbaday dhinaca Ahlu-sunna in ay ilaaliyaan heshiiskii ay la gashay dowladda oo ay wada ogolaayeen dhamaan madaxda Galmudug oo uu ugu horeeyay madaxweynihii maamuka.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wuxuu kusoo beegmay, xilli uu khilaaf xoog leh ka dhexeeyo dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira, kuwaas oo khilaafka ugu weyn u dhexeeyo Jubbaland iyo Puntland, waxaana xusid mudan in madaxda maamuladaas ay dhawr goor oo hore ay safarro ku tageen dalal ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale oo ay siyaasiyan is khilaafsan yihiin dawladda Federaalka Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post