X

Somalia: Xukuumadda Federaalka Oo Ka Hadashay Doorashada Iyo Arrimo Kale

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Gollaha Wasiirrada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xidhiidha gurmadka fatahaadaha webiyada iyo sidii gurmad looga samayn lahaa, sidoo kale waxa shirka lagaga hadlay xannuunka COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ah ee Gollaha Wasiirrada, ayaa warbxin kooban oo ku waajahan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, isagoo sheegay in xubnihii guddiyada ee wax ka badalka lagu soo sameeyay oo ahaa 34 la soo wada dhammeystiray, isagoo xusay in dhawaan la shaacin doono liiska guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Gollaha Wasiirrada Somalia, Image Araweelo News Network, 17 jun 2021.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, waxa lagu xusay in ra’iisal wasaare Rooble hoosta ka xariiqay in ay dalka ka dhici doonto doorasho hufan oo daah furan. Iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gollayaasha qaran ee la soo dooranayo.

Dhinaca kale,  Gollaha ayaa warbixin ku saabsan amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasaaraddaha Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in howlaha lagu xaqiijinayo amniga ay si wanaagsan soconayaan, isla markaana Ciiddanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadaan xoraynta deegannada ay ku dhuumaalaysanayaan waxay ugu yeedheen argagixisada oo sida ay sheegen ay jab xooggan gaadhsiiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Gar-gaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa Gollaha u soo bandhigtay xaaladda deegannada ay saameeyeen fatahaaduhu iyadoo xustay dadaallado ay sheegtay un ay dowladdu hoggaaminayso oo ah gurmad loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Gebagebadii shirka gollaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey Habraaca Shaqo siinta dibadda ee Shaqaallaha Xoogsatada Soomaaliyeed, kaas oo ay soo diyaarisay,  isla markaana ay golaha soo hordhigtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Shaqaalaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post