Araweelo News Network

doorashadabaarlaanakasomaliaMogadishu(ANN) Munaasabad amaankeeda si weyn loo adkeeyay, ayaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu qabtay maanta Dugsiga sare ee Booliiska “Jeneraal Kaahiye” ee magaalada Muqdisho.

283 Xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee Baarlamaank, ayaa lagu dhaariyay goobta, kaddib markii Xubnaha baarlamanka cusub yeesheen kalfadhigiisa ugu horeeyay, waxay guddoomiye ku meel gaadh ah u doorteen Cusmaan Cilmi Boqore oo ah qofka ugu da’da weyn xubnaha baarlamaanka ee lasoo xulay. Kaasoo hoggaamin doonaa baarlamaanka ilaa iyo inta laga dooranyo guddoon rasmi ah.
Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xidhay waddooyin dhowr ah. Ciidammada ammaanka oo wata gaadiidka gaashaaman, ayaa lagu arkay waddooyin ka baxsan halka ay ka dhaceysay munaasabada oo ay ka qaygaleen Madaxda dawlada iyo masuuliyiin ka socday beesha caalamka.
Qaar ka mid ah Xubnaha doorashadooda muranku ka taagnaa, ayaa dib loogu celiyay dooarasho si loogu kala calaf qaado. Kaddib tabashooyin kazoo baxay qaabka lagu soo xulay.
Baarlamaankan oo ah kii 10-aad, waxa saami ka helay haweenka oo ka dhex muuqada, waxaana lagu wadaa inuu cayimo oo muddo u qabto doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay, taasoo ay ku hirdamayaan shaqsiyaad aanay ka madhnayn dawladaha ku loolama arrimaha Somalia ee gamcaha kula jiray dhawr labaatankii sanadood ee ay burbursanayd.