X

#Somalia: Wasiirkii Arrimaha Dibadda Oo Xilka Iska Casilay

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho, Somalia (ANN)-Wasiirkii Arrimaha dibadda dawladda Federaalka ee Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa si lama filaan ah u shaaciyay inuu  iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu kahayay xukuumadda Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiir Abshir, wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooc, isagoo aan ku xusin qoraalka uu ku sheegay innuu xilka iska casilay sababta ku ajburtay inuu iskii uga tago xilka, maadaama ay dhaqanka Siyaasadda Bulshada Soomaalida aad ugu yartahay in masuuliyiintu qaataan go’aan is casilaad ah, xataa haddii ay la kulmaan caqado musuq-maasuq iyo maamul xumo, ama ducuf oo ka jira maamulka ay ku jiraan.

Hase yeeshee xilliga uu xilka iska casilay, ayaa kusoo beegmay loollan dhanka hoggaaminta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ah deegaanka uu kaspo jeedo Wasiirkii hore ee dawladda Federaalka ee arrimaha Dibbadda ee xilka iska casilay, balse kuma sheegin qoraalkiisa inuu ka qaybgelayo doorashooyinka maamulka Puntland iyo inuu ka baxayo saaxadda siyaasadda midna.

“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 18-ka December/2023 go’aansaday inaan iska casilo xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, annigoo aaminsan in aan si hufnaan iyo daacadnimo ku jirto ugu adeegay qarankayga, ilaaliyayna mas’uuliyadii balaadhnayd ee madaxda qaranku igu aamineen”.ayuu ku yidhi, qoraalka Abshir Wasiirkii hore oo xilka iska casilay.

Qoraalka uu ku baahiyay Bartiisa Facebook, ayaa ahaa sidan:-

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post