X
    Categories: Warar

Somalia: Wasiir Ka Tirsan Dawladda Federaalka Iyo Saraakiil Kale Oo Ku Dhintay Weeraro

Muqdisho(ANN)-Wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo ugu tobaneeyo qof oo isugu Jira saraakiil dawladda ka tirsan, shaqaale iyo dad shacab ah, ayaa ku dhintay weerar Isugu jiray qarax iyo rasaas oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha dhinaca amaanka, ayaa sheegay, in kooxda weerarka soo qaaday ka mid ahaayeen kuwa ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 11 qof, weerarkaa oo maanta galinkii hore ka dhacay degmada Shangani ee gobolka Banaadir, iyadoo lala beegsaday dhismeyaal ay ku yaallaan labo kamid ah wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka oo ku bilaabmay qarax gaadhi loo adeegsaday, kadib ragga weerrarka soo qaaday ay gudaha u galeen dhismeyaasha. waxayna muddo raasaas iswaydaarsanayeen ciidamada ammaanka oo goobta gaadhay, ayaa sheegay in ay laayeen raggii weerarka soo qaaday.

Dhismahayaasha weerarka lagu qaaday waxaa ka hawgali jiray wasaaradaha Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Dhinaca kale Ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

.

Alshabaab ayaa kordhiyey weerarrada ay ka gaystaan qaybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxayna weerrarada Alshabaab kusoo beegmee, iyadoo ay kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada ay la beegsadaan xarumaha dawladda iyo xil duqaymo dhinaca Cirka ah laga fuliyo goobaha ay ku sugan yihiin ee Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post