X
    Categories: Warar

Somalia Tirada Kiisaska Coronavirus Oo Si Weyn Kor Ugu Kacday Iyo Tirada Dhimashada Oo Korodhay

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ee Soomalaiya, Foosiya Abubak, Araweelo News Network, 16 March 2020.


Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa shaacisay in ay korodhay tirada dadka uu asiibay Cuddurka COVID-19, ee ku baahay dunida, sidaana waxa sheegtay Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Foosiya Abubakar Nuur.


Warbixin ay soo saartay, waxay ku xustay inay jiraan kiisas gaadhaya ku dhowaad labaataneeyo oo ah kuwo cusub, kuwaas oo tirada caabuqa sare ugu qaaday si weyn, kadib markii la xaqiijiyay Khamiistii in la diiwaangeliyay 19 kiis oo cusub, kuwaas oo 18 ka mid ah laga helay magaalada Muqdisho.


Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Foosiya Abubakar Nuur, ayaa sheegtay in tirada guud ee caabuqa Coronavirus ee COVID-19, ay gaadhay 601, dalka oo dhan, isla markaana 11 qof ay kasoo kabteen, halka 28 qof ay u dhinteen Coronavirus gudaha Soomaaliya.

Marwo Fowsiya, waxay sheegtay in Wasaarad ahaan ay sameeyeen wacyigelin joogta ah iyo xarun lagu daweeyo dadka laga helo bukaanka caabuqa COVID-19, sidoo kale ay sameeyeen xarun lagu karantiimeeyo dadka looga shakiyo caabuqa Coronavirus, taas oo ay hirgeliyeen 10 March, 2020, waxayna sheegtay inay xaruntaasi qaado ilaa 100 qof.

ALHRI: Soomaaliya Oo Shaacisay Qofkii Ugu Horreeyay Ee Qaba Coronavirus


Fowsiya Abikar Nuur, waxa kale oo ay xustay in ay ka heleen dalka Imaaraadka , Jack Ma Fondution iyo Hay’addo kale oo ay ka mid yihiinWHO, IOM, SCF, waxayna sheegtay in ay u mahad celinayaan cid walba oo gar-gaar caafimaad soo gaadhsiisay.

Coronavirus, oo kasoo bilaabmay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, wuxuu caabuqa COVID-19, oo kasoo faafay halkaa ku faafay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 3,342,381, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 235,965, iyadoo ay kasoo kabteen dad gaashaya, 1,057,712, sida ay sheegayaan warxinaah lagu diiwaa n geliyay diiwaanka caabuqa COVID-19, ee Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee COVID-19, ee dunida laga helo. walaw ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.
Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafay Adduunka oo dhan oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana ka qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula silay dhaqaalaha aduunka, gaar ahaan dalalkii sheeganayay inuu hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka,kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.


Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin, waxayna khuburad Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post