X

#Somalia: Taliyaha Booliska Banaadir Oo Lala Beegsaday Qarax Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Qarax la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Farxaan Maxamuud Farxaan Qaroole, ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah, ayaa laga soo buuxiyay Gaadhi, waxaana la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha, balse  qaraxa oo ka dhacay dhacay Isgoyska Banaadir, waxa ka hadlay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali Doodishe .

 

“Gaadhi ayaa laga soo buuxiyay walxa qarxa, waxaana lagu weeraray Taliyaha guud qeybta Booliiska ee gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, Taliyaha wuu nabad qabaa wallow uu jiro khasaare qaraxa ka dhacay” Ayuu yidhi.

Afhayeenka Booliska, oo warbaahinta kula hadlay goobta qaraxu ka dhacay, ayaa ku macneeyay weerarkaa mid ay soo maleegeen wuxuu ugu yeedhay “argagixisada”.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa, wuxuu sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 9 qof,  kuwaas oo sida uu sheegay Afhayeenka Booliska u badnaa dhamantood dad wadada marayay.

“Weerarada Argagixisada ee noocan oo kale ah ma noqon doonaan kuwo naga niyad jabiya shaqada aan qaranka u hayno.” ayuu yidhi, Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Aadan.

 

 

Gaadiidka Caafimaadka ee gurmadka deg-dega ah, ayaa soo gaadhay goobta qaraxu ka dhacay oo burbur badani ka muuqday, taas oo muujinaysa in qaraxu ahaa mid aad u xoogan, isla markaana uu khasaare gaadhsiiyay dhismayaasha ku yaala agagaarka goobta uu ka dhacay qaraxu ee Isgoyska Banaadir iyo waliba dhismayaasha xaafadaha ka dhow goobta.

Dhinaca kale dagaalyahanka Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen dhankooda inay ku dileen 4 askri oo ka tirsnaa ilaalada Taliye Farxaan Qaroole, isla markaana ay  dhaawaceen 5 kale oo ka mid ahaa ilaalada Taliyaha lala beegsaday qaraxa.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

 

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post