X

Somalia: Shirkii Dawladda Federaalka Iyo Maamulada Ee Muqdisho Oo Guuldaro Ku Dhammaaday

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Shirkii Hoggaamiyayaasha Soomaalida ee la doonayay in xal loogu helo muranka iyo khilaafka doorashada, ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, kadib markii laysku mari waayay ajandaha.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu djammaaday iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa ku kala dareeray shirkaa oo ka socdayTeendhada Afisiyoone ee magaalada Muqdisho.

Somalia: Hoggaamiyayaasha Siyaasada Oo Sii Wata Go’aankooda Khilaafka Iyo Fashilka Shirka

Shirka oo muddo soo jiitamayay, waxa ku xeernaa carqalado siyaasadeed iyo khilaaf soo jiitamayay, waxa dhinacyada isu duduucayay Madaxda Beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya iyo Diblamaasiyiin uu hormood u yahay Wakiilka khaaska ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilasan Soomaaliya, #Ambassador James Swan oo ah Madaxweynaha dadban ee Soomaliya,

Amb. James Swan,Madaxweynaha Dadban Ee Soomaaliya Iyo Kooxdiisa oo Diyaarnaya Qorshohooda Siyaasada Soomaaliya.

Xukuumadda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday oo ay qayb ka ahayd shirka, ayaa xaqiijisay inuu ku dhammaaday guuldaro, sidaana waxa shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Wasiir Cismaan Dubbe oo ka hadlay natiijada shirka madaxda dowladda Federaalka ee mudda-dhaafka ah iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada qaynta ka ah oo uu weheliyo maamulka gobolka Banaadir.  Gobolka Banaadir, wuxuuna si cad u sheegay in aan wax hehsiis ah lagu gaadhin shirka.

Cismaan Dubbe wuxuu sheegay in Xukuumad ahaan ay Ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaan in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland diideen in dalka ka dhacdo doorasho, iyadoo la raacayo heshiiskii 17-kii September.

“Xukuumaddu waxay maanta u caddaynaysaa umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aannay rabin in dalka ay ka dhacdo doorasho asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febeary. Waana wax laga xumaado in labadaa Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn ayuu yidhi” Wasiirka Warfaafinta dawladda Federaalka ee xilka sii haysa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland  sabab u ahaayeen inuu shirku burburo, isagoo yidhi, “Markii shirkii Afisiyoone ee saddexdii April ay markii koowaad ka qeyb galeen madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland waxay keeneen caqabado ay kow ka tahay inay duraan Baarlamaanka oo ah sharciyadda dalka ugu sarraysa iyagoo sheegaya inuu waqtigiisu dhammaaday.”

Dhinaca kale, Maamulada Jubaland iyo Puntland, ayaa dhankooda ku eedeeyay Madaxweynaha xilligiisu dhamamaday inuu sabab u ahaa guuldarada uu kusoo dhammaaday shirku, waxayna ku doodeen in ay muddo u joogeen Muqdisho si xal looga gaadho muranka doorashada, sidaa awgeed Farmaajo masuul ka yahay fashilka shirkaa.

Dhawaaqa uu Wasiir Dube ku xaqiijiyay in Shirkii Maanta uga socday Teendhada Afisiyoone ee muddada la sugayay, wallaw raja-xumo iyo inuu ku dhammaanayo natiijo la’aan ay muuqatay.

Araweelo News Network.

Info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post