X

Somalia: Shirka Wada Tashiga Xukuumadda Federaalka Iyo Maamul Gobolleedyada Oo Furmay Xilli Uu Ergayga Midawga Afrika Iska Casilay

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya si looga wada hadlo shirka wadatashi Qaran ee arrimaha doorashooyinka Villa Somalia, 22 May 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa kulan si weyn loogu caddaadinayay maanta la yeelatay Maamul gobolleedyada Soomaaliya ee ay muddada ku murmayeen qaabkii ay doorasho uga dhici lahayd Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka kulanka loogu yeedhay “Shirka Wadatashiga Qaran” ee xalka loogu raadinayo arrimaha doorashooyinka, maalin kadib markii uu iska casilay Ergayga Midawga Afrika dhowaan u magcaabeen inuu kala shaqeeyo arrimaha doorashooyinka.

Ajandaha shirka, ayaa sida lagu qoraal saxaafadeed kasoo baxay maanta xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, waxa lagaga arrinsanayaa sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxa ku cusub oo ka dhex muuqda labada Madaxweynayaasha labada maamul gobolleed ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kuwaas oo marar badan sheegay in aannay ka qaybgelayn kulan ay xukuumadda Federaalka ku baaqdo.

Hase yeeshee shirka maanta uu guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble oo dhowaab markii Gollaha wasiilladu laalay mmuddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo arrimaha doorashooyinka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa ku wareejiyay.

Waxaana  ka qaybgalay shirka loogu yeedhay “Shirka Wadatashiga Qaran” Madaxweynaha Dowlad-gobolleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laf-gareen), Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka, sida lagu sheegay qoraalka.

Dhinaca kale, shirka ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii la baahiyay warqad uu u qoray Madaxweynihii hore ee Ghana Prez John Dramani Mahama , taas oo lagu sheegay in uu si rasmi ah uga laabtay aqbalaaddiisii Wakiilka Sare ee Soomaaliya todobaadyo kadib markii AU magacowday.

Warqada uu ku socodsiiyay guddoomiyaha Midowga Afrika, wuxuu ku sheegay sababta go’aanka, wuxuu ku sheegay John Mahama, “in hawshu tahay mid ahmiyadda siyaasadeed oo sare leh, taas oo loo soo jeediyay, balse hawshu waxay u baahan tahay in Wakiilka Sare uu ku raaxeysto wada shaqayn ballaadhan oo dhinacyada wadajirka ah ee siyaasadda.” Ayuu yidhi.

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post