X
    Categories: Warar

Somalia: Shir Lagaga Hadlay Siyaasadda Loo Dhanyahay Ee Dawlad-wanaagga Iyo Doorashooyinka 2020

Somalia: Shir Lagaga Hadlay Siyaasadda Loo Dhanyahay Ee Dawlad-wanaagga Iyo Doorashooyinka 2020 Muqdisho(ANN)–Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay oo ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday beesha caalamka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska ra’iisal Wasaaraha oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network, ayaa u qornaa sidan:- “Kulanka maanta ayaa looga hadlay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2020, dib u eegista dastuurka, sugidda amniga, hirgelinta adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka u sheegay in dawladdu si buuxda looga taageero fulinta qorshayaasha qaran ee lagu gaadhay doorashada si lamid ah caawimaadii hore looga gaystay dib-u-habaynta nidaamka dhaqaalaha oo guulo waaweyn laga gaadhay .

“Dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo taageeradiina waxa ay Soomaaliya u horseedeen in la helo taageero miisaaniyadeed oo toos ah …waan ka mahad celinaynaa, waxa ayna ila tahay in haddii si lamid ah aan diiradda u wada saarno siyaasaddda loo dhanyahay la gaadhi  karo guul lamid ah horumarkii laga sameeyay dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka” ayuu yidhi ra’iisal wasaare Khayre.

Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaadhaan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban, waxa uuna intaa raaciyay in samaynta xeerka doorashada uu meel wanagan marayo.

–DHAMMAAD—- Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidha Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post