X

Somalia: Sheekh Muqtaar Roobow Oo Xilka La Wareegay

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo xilalka u kala wareejinaya Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Sheekh Cumar Cali Rooble, 10 August 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo xilka ka wareegay, 10 August 2022, Image Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Amniga, sida howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

“Anagoo ka duulayna baahida shacabka Soomaaliyeed, waxaan ahmiyada ugu wayn ee Xukumadda ka dhignay amniga. Waxaan garowsannahay in amnigu aan qori kaliya lagu sugi karin oo ay waajib tahay dhiirri gelinta iyo abaabulka doorka bulshada.”ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmaynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay, isagoo tilmaamay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u rajeeyey Wasiirrada xilka la wareegay in Eebbe uu u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, isagoo faray in ay si daacad ah ugu addeeggaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post