X

Somalia: Saraakiil Loo Xidhay Qaraxa Xeebta Liido Iyo Tirada Rasmiga Ah Ee Dhimashada Iyo Dhaawaca

#Araweelo_News_Network

Muqdisho (ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay innay xabsiga dhigtay saraakiil looga shakiyay innay qayb ku lahayeen qaraxa xeebta Liido ee galaaftay in ugu yaraan dad ku dhow boqol qof oo shacab ah, kuwaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, oo xalay ku booqdayCusbitaalka Erdogan shacabka ku dhaawacmay falkii qaraxa ahaa ee lala beegsaday shacabka xeebta liido, isagoo sheegay in falkaasi ahaa mid bahalnimo ah oo ay fuliyeen “kooxaha khawaarijta”, wuxuu sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xidhan yihiin.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu sheegay “in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha Khawaaarijtu beegsadeen dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu cawaynayey dalkooda, taas oo muujinaysa in aannay lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yidhi.

Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hay’addaha ammaanka, si loo cidhibtiro, kuwa uu sheegay innay falkaa geysteen ee “Khawaarijta gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in Ra’iisal Wasaarahu  la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirka  Cusbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaadhay.

Dhinaca kale, Xukuumadda ayaa sheegtay tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dadka ee qaraxa xeebta Liido, iyadoo saraakiisha amaanku sheegeen in ay ku naf waayeen 32 qof oo shacab ah, halka ay 63 qof dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen qaraxa, kuwaas oo lagula tacaalayo cusbitaalada magaalada Muqdisho.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post