X

Somalia: Rooble Oo Sheegay In Kiiska #Ikraan Tahliil Laga Duwayo Cadaaladda

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Image file Araweelo News Network 28 Sep 2021.

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tibaaxay in kiiska Ikraan Tahliil Cadaakadda laga leexinayo, iyadoo xilligan Maamul gobolleedyada dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ay weli ka caga-jiidaya in ay soo dhammaystiraan murrashaxiinta Aqalka sare ee laga sugayo si looga gudbo marxaladaa.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu ugu baaqay maamul gobolleedyada in ay soo dhamaystiraan xulista murrashaxiinta laga sugayo, wuxuuna sidaa ka shseegay mar uu maanta hadal ka jeediyey munaasibad lagaga hadlayay murashaxiinta iyo Ergada Aqalka Sare Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Rooble, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dhammaystirka qabsoomidda doorashooyinka dalka ee laga sugayo, sidaa awgeed wuxuu kula dardaarmay Ergada wax dooranaysa in sababaha lagu kala dooranayo murrashaxiinta ay noqdaan kuwo ku salaysan, daacadnimo iyo Allah ka cabsi.

Laxidhiidha: Rooble Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Muranka Ka Taaga ikraan Tahliil Iyo Hay’adda Sirdoonka

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble doorashada baarlamaanka ee gollaha shacabka, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la bilaabo doorashada Xildhibaannada Gollaha Shacabka, sidaa darteed wuxuu ugu baaqay in la soo dhammaystiro Kuraasta Sanatarrada ah ee aan wali la soo dooran oo dowlad goboleedyada qaar ay wax ku dhiman yihiin.

Laxidhiidha: Bulshada Rayidka Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Dalka, Murranka Awooddaha Iyo Kiiska Ikraan Tahliil

Ra’iisal wasaare  Rooble ayaa ka hadlay kiiska haweenayda sirdoonka Soomaaliya ka tirsanayd ee la waayay raq iyo ruux, taas oo ahayd xudunta murrranka iyo khilaafka isaga iyo Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna xusay in mar walba uu u taagan yahay caddaaladda bulshada Soomaaliyeed, isla markaana kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax laga weecin doonin hannaanka caddaaladda loogu raadinayo.

Hase yeeshee Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xilligaan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashada loo midoobo arrimaha amniga, isla markaana meel looga soo wada-jeesto wax walba oo ammaanka wax u dhimaya.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post