X

Somalia: Rooble Oo Ka Halday Xildhibaanada Lagu Doortay Ceelwaaq Ee Farmaajo Ka Cadhooday

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyay xubnaha laga soo doortay Gedo ee Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay doorashadooda shacridaro.

Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Image file Araweelo News Network.

Laxidhiidha: Madaxweyne Farmaajo Oo Ganafka Ku Dhuftay Doorashada Kuraasta Gedo

Ra’iisal wasaaraahu, wuxuu Guddida Doorashooyinka Heer Federaal, Guddida Doorashada Jubaland iyo dawlad gobolleedka Jubbaland ku bogaadiyay doorashadii ay ku qabteen Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

War qoraalka ra’iisal wasaare Rooble, waxaa lagu yidhi, “Waxaan u hambalyaynayaa Guddida Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dawlad gobolleedka Jubaland ee soo gebagebeeyay doorashadii xildhibaannada Gollaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu gobolka Gedo”

Qoraalkaa oo Rooble ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook, wuxuu sidoo kale, ugu hambalyeeyay Xildhibaannada Cusub ee la doortay.

 “Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, annigoo u rajaynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.”ayuu yidhi.

LaxidhiidhaMaamulka Gedo Ganafka Ku Dhuftay Go’aan Kasoo Baxay Guddida Doorashada Heer Federaal

Dhinaca kale, doorashada xildhibaanada ee lagu qabtay Magaaladda Ceelwaaq, waxa sharcidaro ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo, isagoo sheegay in aannay waafaqsanayn xeerka iyo nidaamka loo asteeyay doorashada, balse dhawaaqa Madaxweyne Farmaajo ayaan dheg loo jalaq siin, iyadoo maamulka gobolka Gedo ee xaruntiisu tahay Garabahaarey ay hore uga digeen in doorashada kuraasta Gedo lagu qabto meel kale.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post