X

Somalia: Rooble Oo Ka Hadlay Dhawr Arrimood

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, Image File 20 August 2021, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo guddoominaya shirka lagaga hadlayay jadwelka doorashooyinka Somalia, 29 Jun 2021, Image file Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Madaxda ugu sarrsysa hay’addaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xiligan muhiimka ah laga feejignaado dhagarta cadowga, si aannay saamayn ugu yeelan howlaha doorashooyinka iyo habsami u socodka shaqooyinka hay’adaha dowladda.

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Mudane Farxaan Cali Axmed ayaa sheegay in la saaray guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku soo sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday xerada Afisyooni, kuwaas oo warbixin ku soo celin doona Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa tilmaamay in shirka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya.

Sidoo kale Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Danjire Fransisco Madiera, ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falalkii argagixiso ee u dambeeyay ee Muqdisho iyo Baladweyne ka dhacay, isagoo sheegay in guddiga wadajirka ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay ay isla berriba howl bilaabi doonaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post