X

Somalia: Rooble Oo Ka Hadlay Amniga Sii Xummaanaya Iyo Doorashada

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiya Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, Muqdisho Jan, 13 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hadlay amniga Magaaladda Muqdisho, kaddib qarax si weyn u gil-gilay amniga oo shalay oo khasaare dhaliyay iyo doorashada khilaafka siyaasadeed iyo murranku hadheeyay.

Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuu arrimahaa iyo kuwo oo la xidhiidha siyaasada arrimaha dibedda ee xukuumaddiisu kula dhaqamay dalalka jaarka iyo kuwa ay dannuhu ka dhexeeyaan kaga hadlay Shirka Toddobaadlaha ah ee Gollaha Wasiirrada oo maanta ka qabsoomay Villa Somalia.

Sida lagu xusay qoraal saxaafeed kooban oo kasoo baxay Xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network. Shirkaa oo uu guddoominayay ra’iisal wasaare Rooble, ayaa lagaga waxrbixiyay kulankii gollaha wadatashiga qaran ee toddobaadkan lagaga hadlay arrimaha doorashada,

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Dhinaca amaanka, wuxuu ra’iisal wasaare Hay’addaha amniga ku amray in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aannay ku milmin siyaasadda, isla markaana xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka, wuxuu ugu yeedhay “argagixisada” oo uu ku sifeeyay cadowga ugu weyn ee dalka hortaagan.

Mar uu ka hadlayay Siyaasada arrimaha Dibedda ee xukuumaddiisa, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ku dhaqmayso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aannay suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaaddiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan, balse ma caddayn dalalkaasi kuwa ay yihiin iyo cidda colaadda u muujisay.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa geba-gebadii faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’addaha xukuumaddu in aannay ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble.

Published Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post