X

Somalia: Ras’iisal Wasaare Xamse Oo Shaaciyay Liiska Wasiirrada Cusub Ee Xukuumadiisa

Gollaha Wasiirrada Somalia ee la magcaabay 2 August 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha gollaha wasiirrada ee xukuumadda cusub oo ka kooban 26 wasiir, kaddib, markii sida uu sheegay uu tashi la sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoonka iyo xildhibaannada labada aqal iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in gollaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Xamse oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayuu ka codsaday in ay ansixiyaan gollaha wasiirrada ee uu soo magcaabay marka la horkeeno, isagoo bulshadana ka codsaday in ay la shaqeeyaan xukuumadda uu soo magcaabay.

Liiska Gollaha Wasiirrada Somalia

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisal Wasaare ku xigeen
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Guddaha
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorshaynta iyo Maalgashiga
10 – Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac (ilka Jiir), Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaadhsiinta
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xanaannada Xoollaha
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshaddaha
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Guddaha
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda
22- Daa’uud Aweys Wasiirka Warfaafinta
23 – Biixi Iimaan Cige. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post