X

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Muranka Ka Taaga ikraan Tahliil Iyo Hay’adda Sirdoonka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, Image File 20 August 2021, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Somalia, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa jawaab cad ka bixiyay  dhawaaqa Hay’adda sirdoonka Somalia ee NISA, kaas oo la xidhiidha kiiska Ikraan Tahaliil Faarax oo muddo laba bilood ah aan la hayn raq  iyo ruux, balse war kasoo baxay Khamiistii xarunta Sirdoonka lagu sheegay in Al-shabaab dishay gabadhaa.

Hase yeeshee Al-shabaab ayaa si deg deg ah u beenisay in ay u aanowdo gabadha Ikraan Tahliil Faarax, waxayna warkaa ku tilmaameen mid been abuur ah oo marin habaabin ah.

Arrinta ayaa si weyn uga cadhayssiisay Qoyska Ikraan iyo bulshada Soomaalida oo layaab ay ku noqotay warka ay faafisay hay’adda NISA, waxayna sababtay falcelin afduuyo loo geystay dad kale, balse ra’iisal wasaare rooble oo ka hadlaya arrintaa ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, isagoo faray Agaasimaha NISA in uu 48 saacadood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo la xidhiidha halka ay ku danbaysay geeri iyo nolol Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuu sheegay in arrintaasi sababtay in muwaadiniin aan waxba galabsan loo afduubo, sidaa awgeed wuxuu shacabka Soomaaliyeed u sheegay in uu la wadaago dareenka ay ka muujiyeen gabadhaa, isla markaana laga warsugo 48 saacadood oo uu jawaab lagu qanci karo ka sugayo agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Fahad Yaasiin, isagoo xusay in markaa kaddib uu go’aan ka qaadanyo, wuxuuna ku booriyay ugu baaqay in ay is dajiyaan bulshadu oo ka war sugaan.

AKHRI: Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Dilka Haweenay Sirdoonka Somalia Ka Tirsanayd Oo NISA U Xanbaarisay

Mr. Rooble, wuxuu qoyska Ikraan u balanqaaday in ay helayaan cadaalad oo ay masuuliyadiisa tahay in la mariyo xaqooda, wuxuuna sidaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo bartiisa Tiwitter uu ku baahiyay caweyskii caawa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post