X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Safiirada Beesha Caalamka

Araweelo News Network

Muqdisho(ANNh- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cai Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Beesha Caalamka oo ujeedadiisu ahaa inuu warbixin ka siiyo xaaladda dalka, isla markaana uu ka codsaday in labada dhinacba ay la yimaadaan isla xisaabtan dhab ah oo dhameystiran.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Safiirada Midowga Yurub, UAE, Turkey, Sweden, China, waxaana qadka shaashada ku jirey wakiilo ka socday Mareykanka iyo UK. Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku wehliyey kulanka Wasiirada Maaliyada, Qorsheynta, Difaaca, Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu horreyn warbixin ka siiyey horumarka ay dawladu ku talaabsatay mudadii ay jirtey ee dhanka Gurmadka Abaaraha, Amniga, Dhaqaalaha, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo qorsheyaasha guud ee xukuumada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay bilowday nidaam isla xisaabtan ah oo dhan walba ah kana codsaday beesha caalamka inay iyagana la yimaadaan isla xisaabtan furfuran oo shacabka Soomaaliyeed kalsooni siin kara.

Mas’uuliyiintii beesha caalamka ayaa ugu mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha qabanqaabada kulanka iyo warbixinta saafiga ah ee uu ka siiyey xaalada dalku marayo. Waxey dhammaantood qireen in horumar baaxad leh oo waxqabad dhab ah lala yimid, iyagana ay diyaar u yihiin inay caawiyaan Dawladda Federaalka.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay beesha caalamka in Dawlada Federaalka ee cusub ay la timid dhaqan-cusub oo isla xisaabtan ah, sidaas oo kalena uu ka dalbaday beesha caalamka inay dhaqankooda bedelaan oo kaalmadooda ay ku saleeyaan baahiyaha Dawlada iyo inay mashaariic horumarineed ay dalka ka hirgeliyaan sida dhismaha wadooyinka, buundooyinka iyo mashaariicda horumarineed oo shaqo abuur u noqoneysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

DHAMAAD
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post