X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisual Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika

Ra’iisal wasaare Khayre iyo wasiir Harriett Baldwin

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo Muqdisho ku timid socdaakii ugu horreeyay.

Ra’iisal wasaare Khayre iyo wasiir Harriett Baldwin ayaa ka wada hadlay xidhiidha  labada dawladood, horumarrada laga gaadhay siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay, waxa uuna dawladda Ingriiska uga mahadceliyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Harriett Baldwin ayaa ku ammaantay dawladda guulaha ay ka gaadhay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa ayna ku celisay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga, doorashooyinka, iyo horumarka dhaqaalaha si loogu gogol xaadho  hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaala dheeraad ah oo ra’iisal wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Afrika.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidh
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post