X

#Somalia Ra’iisal Wasaare Xamse Oo Xadhiga Ka Jaray Bangiga Kaydka Dhiiga

#Araweelo_News_Network

 

Muqdisho (ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa xadhigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Xamse oo soo gaadhay Shabakaddaha Araweelo  News Network, ayaa lagu yidhi sidan;-

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saarayso horumarinta iyo soo-noolaynta adeegyadii bulshada oo ay ugu horreeyaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani oo ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah, maadaama uu dalkeennu kamid yahay waddamada ay ka dhacaan musiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun keydisa dhiigga.

Bangiga Dhiigga Qaranka oo la aas-aasay sannadkii 1976 dii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-howlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan keyd loogu hagaago dhiigga.

Wixii Faah-faahin ah kala xidhiidh
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post