X

Somalia: Ra’iisal Wasaare Xamse Oo Ku Dhegga-barjoobay Dhismaha Dawladdiisa

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo xilka kala wareegaya ra’iisal wasaarihii xilka sii hayay Maxamed Xuseen Rooble, Image Araweelo News Network. 28 Jun 2022.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku jaah wareeray sidii uu dawlad usoo dhisi lahaa, tan iyo markii uu helay 25 Jun kalsoonida gollaha Shacabka, kadib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabay 15-kii Jun 2022.

Laxidhiidha: Ra’iisal Wasaare Xamse Barre Oo Lagu Wareejiyay Dhismaha Dawladda Qadar U Qorshaysay

Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa muddooyinkii u danbeeyay kulamo la lahaa qaybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo ku macneeyay kulamadaa kuwo uu ku doonayo inuu la tashi la sameeyo dhinacyada Bulshada, isla markaana ku doonayo inuu talo urursi ka helo si uu xukuumadda cusub usoo dhiso.

Hase yeeshe Ra’iisal wasaaeaha ayaa u muuqda mid ku jaah wareeray qaabkii uu xukuumadda usoo hisi lahaa, isagoo hore u balanqaaday inuu soo dhisayo dawlad koobbnan oo tayo leh.

Laxidhiidha: Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Oo Helay Codka Kalsooonida Muxuu Ka Yidhi Siyaasadiisa Ku Waajahan Somaliland

Ra’iisal wasaare Xamse, ayaa sababta dib u dhaca xukuumadda laga sugayo lagu macbeeyay mid  culays siyaasadeed oo kaga inanaya Madaxweynaha Xasan Sheekh oo isaga magcabay iyo dhinacyo kale oo dannaynaya in ay qayb ka noqdaan xukuumadda cusub.

Shaqsiyaad siyaasadda Soomaaliya si weyn saamayn ugu leh ayaa qayb ka ah sababaha culayska Ra’iisal wasaaraha u diiday inuu qaato go’aan uu xukuumadda kusoo dhiso, isagoo doonaya inuu dhinacyo baddan raali geliyo, balse ay is waafaqi la yihiin balanqaadkiisa waaqaca dhabta ah ee jira, ayaa noqday waxyaabaha aan is waafaqayn, waxayna arrimaahsi sababeen inuu ra’iisal wasaaruhu ku dhiiran waayo inuu qaato, isla markaana soo dhisp xukuumad cusub, isagoo u muuqda inuu ku dhegga-barjoobay dalabyada kaga imanaya dhinacyada kala duwan ee aan waafaqsanayn balanqaadkiisii.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post