X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Tilmaamay Dagaal Ay Xukuumaddiisu Ku Qaadayso Musuq-maasaqa

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Waraaha cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay xukuumaddisa in ay la dagaalanto musuq-maasaqa.

Ra’iisal Waraaha cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Image File Villa Somalia 31 Oct 2020.

Ra’iisal Wasaare Rooble, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu kormeer booqasho ah maanta ku tegey Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha kormeerka kaddib oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraal saxaafadeedka, ayaa u dhignaa sidan:-

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo.

Dekedda Magaalada Muqdisho oo ka mid ah Goobaha uu booqday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Image File Villa Somalia 31 Oct 2020.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulammo kula yeeshay Madaxda iyo masuuliyiin hay’addahan goobahooda shaqada, isagoo ka dhegaystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuq-maasaqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaa, iyadoo Xukuumadda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Image File Villa Somalia 31 Oct 2020.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saamayn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida. Ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka Villa Somalia ee kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble.

 

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xdhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post