X

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Si Dadban Uga Hadlay Falkii Lagula Kacay Shaqaallaha Caafimaadka Edna Hospital

Araweelo News Network.

“Maaha wax la qaadan karo in muwaadiniin looga xannibo socdaalkooda sababo siyaasadeed,” Ra’iisal Wasaaraha Somalia

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si dadban uga jawaabay dhacdadii shaqaalaha caafimaadka ee Adna Hospital lagula kacay maalmihii lasoo dhaafay, xilli ay ku safrayeen Baasaboorka Somaliland oo ay usii jeedeen dalka Kenya.

Hase yeeshe lagu xanibay Madaarka Muqdisho ee Aadan Cadde oo ay kusii hakadeen, kaddibna laga jeex jeexay Baasabooradii Somaliland ee ay siteen oo lagu siiyay fiisaha dalka Kenya, sida ay warbaahinta u sheegay Drs. Edna Aadan oo arrintaa ku tilmaantay mid muujinay nacayb, isla markaana aan meela ka soo gelin shuruucda caalamiga ah ee safarka.

 

Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta ka guddoomay Guddida dib u heshiisiinta Gobolka Gedo nuqulka warbixintii ay ka soo diyaariyeen Gobolkaa oo muddo collaadi ka taagnayd, wuxuu hay’addaha socdaalka ku cannaantay dhacdooyinka noocaa ah.

Mr. Rooble, wuxuu adkeeyey xubnaha wasiirada xukuumadiisa muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhaqan geliyo dhammaan qodobbada ay soo saareen Guddida warbixinta kasoo saaray collaada gobolka Gedo.

Sidaana, waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Qoraalka, ayaa lagu xusay in ra’iisal wasaare rooble qodob qodob u dul istaagay nuxurka warbixintaa oo xal u ah caqabadaha amni, siyaasadeed iyo arrimaha bulshada ee Gobolka ka taagnaa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuu faray Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiya nololeed ee ka jira Gobolka Gedo, kuwaas oo sida uu sheegay ay soo gudbiyeen Guddida dib u heshiisiinta ee dhawaan kormeeray Gobolkaa.

Wuxuuna Guddida dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo uga mahad celiyay sida howlkarnimada ah ee ay uga soo dhalaaleen masuuliyaddii loo xilsaaray, isagoo sheegay in uu u gudbin doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Xubanaha Maamulka Degmada Garbahaarreey si uu ugu soo saaro Wareegto.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaare Rooble, wallow aannu tilmaamin, wuxuu si dadban uga hadlay dhacdadii shaqaalaha Caafimaadka ee ka socday Edna Hospital lagula kacay dhowaan, sidaa awgeed wuxuu faray laamaha socdaalka dawladda Federaalka ee Soomaaliya  in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safraya dalka loo xannibi Karin sababo siyaasadeed.

“Waxaa isoo gaadhay marar kala duwan cabashooyin la xidhiidha muwaadiniin looga xannibay socdaalkooda sababo siyaasadeed, taas oo ah arrin aan la qaadan karin, sidaa awgeed waxaan farayaa Hay’adda Socdaalka in aannay arrimahaasi mar kale soo laaban, ciddii ku kacdana waxa ay mudan tahay xisaab.”ayuu yidhi.

Balse ma caddayn ra’iisal wasaare Rooble dhacdada uu ka hadlayaa in ay tahay falkii foosha xumaa ee lagula kacay shaqaalaha Caafimaadka Cusbitaalka Edna ee ay ka hadashay markii ay madaarka Egal International Airport. ee Hargeysa kusoo dhowaysay shaqaalaha 14 July 2021 iyo in arrinta uu ka hadlayay tahay dhacdooyin kale oo sida uu sheegay lagu siyaasadeeyo safarada dadka Soomaalida ah ee u kala sadcaalaya deegaamo kala duwan iyo gobolo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post