X

#Somalia: #Ra’iisal Wasaare #Rooble Oo La Kulmay #Guddida Xaqiijinta Guddiyada #Doorashooyinka Oo Kala Dhantaalan

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddida Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka,Image “Araweelo News Network”, 10 Jun 2021, Villa Somalia.

“Araweelo News Network.”

 

Hargeysa(ANN)-#Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka #Soomaaliya, Maxamed Xuseen #Rooble, ayaa kulan la yeeshay “#Guddida Xaqiijinta” Xubnaha “#Guddiyada Doorashooyinka“, kuwaas oo kadib markii uu ka dhegeystay warbixin la xidhiidha hawlaha loo igmaday  uu ku bogaadiyey shaqada sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen xal u helista tabashooyinka maangalka ah ee laga soo gudbiyey xubnaha Guddiyada doorashooyinka.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha “Araweelo News Network,” ayaa sidoo kale, lagu sheegay in ra’iisal wasaaruhu ku adkeeyay xubnaha guddida in ay meel mariyaan ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu xusay in ra’iisal wasaare Rooble, guddida u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, isla markaana laga fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddida Xaqiijinta Guddiyada Doorashooyinka, isla markaana ah Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka “Soomaaliya”, Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo kulanka kaddib soo bandhigay tallaabooyinka la qaaday si loo gaadho qabsoomidda doorashada ayaa ku ammaanay maamulada  Dowlad-gobolleedyada soo gudbiyey xubnaha lagu beddelay xubnihii hore,  wuxuuna ka codsaday ciddii ay ku dhiman yihiin xubnaha weli maqan ee la sugayo in ay degdeg u soo magacaabaan.

Magcaabista guddida“, ayaa “mucaaradka qaarkood” ka muujiyeen saluug, wallow ay durba xubnaha laga sigayay maamul gobolleedyada qaarkood maqan yihiin oo aannay weli soo gudbin sida uu sheegay Guddoomiyaha guddida xaqiijinta guddiyada doorashooyinka, balse waxa la sugayaa in ay maamuladu.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post