X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Kulan Hawlgelin Iyo Dar-daaran Ah La Yeeshay Guddiyada Doorashooyinka

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la kulmay guddiyada doorashooyinka Soomaaliya loo asteeyay, wuxuuna kula dardaarmay misiaanka hawsha ay leedahay hawsha loo igmaday iyo natiijada ay ka sugayaan shacbigu.

Qoraal saxaafadeed kooban oo kulankaa kaddib kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu yidhi, “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo howl-geliyay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal lagu soo xulay aqoontooda iyo in dalka ay u horseedi karaan doorasho daah-furan oo cadaalad ku salaysan, kana tarjumaysa horumarka dalka iyo sii amba qaadidda dowladnimadeenna, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka ee 30%. Ayaa lagu yidhi qoraalka.

“ Waxaa la idinka soo xushay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si aad u hoggaamisaan doorashooyinka oo la idinku aaminay masuuliyadaas, waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad si caddaalad iyo hufnaan leh u hoggaamisaan, idinkoo ilaalinaya qoondada haweenka ee 30%.” Ayuu yidhi, ra’iisal wasaare Rooble.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyay dadaalka Xukuumaddu ay ku bixinayso hirgelinta doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda, kuna salaysan Heshiisyadii Doorashooyinka ee Muqdisho iyo Samareeb (Dhuusa-mareeb) ay ku kala saxeexdeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka, ayaa gebagebadii kulankaa kula dardaarmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal in ay cadaalad iyo daacadnimo ku hirgeliyaan doorashooyinka 2021 ayaa Allah uga rajeeyay in uu ku guuleeyo howshan Qaran ee loo xilsaaray

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post