X

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Ku Celiyay Inuu Diyaar U Yahay Kulanka Madasha Murrashaxiinta

Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Muqdisho: Amniga Oo Faraha Kasii Baxaya Xilli Uu Hadheeyay Khilaaf Siyaasadeed

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday, ayaa weli ku adkaysanay in ay kulamo la yeelanay oo ay sii waday wadahadaladii fashilmay ee u dhexeeyay siyaasiyiinta la baxay madasha murrashaxiinta.

 

Sidaana, waxa lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska ra;iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlaya arrintaa.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimow, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ee xilka sii hayaa uu diyaar u yahay si wadidda wadahadallada siyaasiyiinta murrashaxiinta.

Warka Ra’iisal Wasaaraha

Qoraal soo saaray Afhayeenku, ayuu ku sheegay in Rooble uu mar kasta diyaar u yahay sii wadida wadahadalladii u dhexeeyay  Midowga Murrashaxiinta, taas oo sida uu sheegay la doonayo in si guud iyo si gaar gaar ahba, loona gaadho heshiis.

“Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii si loo gaadho hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yidhi, Macalimow.

Hadalka afhayeenka, ayaa yimi kaddib markii Khamiistii lasoo dhaafay uu burburay heshiis hore u dhexmaray Xukuumadda Rooble iyo Murrashaxiinta.

Heshiiskaa, ayaa nuxurkiisu ahaa oo la isla qaatay in la qabto banaanbax ay ku baaqeen Murrashaxiinta,wallaw uu dhicisoobay, kaddib markii sida ay sheegeen aan lagu aamini karin xukuumadda dadka ka qaybgelaya.

\Sidaa awgeed midawga murrashaxiinta ayaa si cad u sheegay in ay joojiyeen isu soo baxa loo balansanaa oo aanay cayimin xilliga ay dib ugu dhigeen.

Soomaaliya, waxa hadheeyay khilaaf siyaasadeed oo ka taagan qaabka loo qabanayo doorasho, iyadoo ay arrintaa isku maandhaafeen xukuumadda, maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta la baxay madasha murrashaxiinta.

Khilaafka Iyo Amniga

Khilaafka, ayaa sii kordhiyay amniga oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xumaaya, iyadoo qaraxyo iyo dilal qorshaysan ay hadheeyeen caasimada magaalada Muqdisho maalmihii u danbeeyay.

Qaraxii ugu xumaa ee maalmlahan ka dhacay, ayaa ahaa mid lala beegsaday habeenkii Jimcaha ee Todobaadkan maqaaxi ku taal duleedka Dekedda Muqdisho, kaas oo sababay ugu yaraan dhimashada 20 qof iyo 30 dhaawac ah oo isugu jira saraakiil dawladda ah, shaqaale iyo dad shacab ah.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post