X

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Madaarka Muqdisho Iyo Xaaladda Amniga Ee Kacsan

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kulan la yeeshay Hay’addaha Amniga, ImageVilla Somalia, File Araweelo News Network. 22 April 2021.

Araweelo News Network.

#Muqdisho (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda khilaafku hadheeyay ee Federaalka #Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la yeeshay Hay’addaha dhanka amniga, kadib khilaafka sii kordhaya oo sababay in xaaladda amaanka ee Muqdisho sii xumaato.

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa kala hadlay saraakiisha uu la kulmay amniga Caasimadda ee ay uga dareen xaaladdaha siyaasadeed iyo muranka ka dhashay mudda kordhinta iyo khilaafka laysku mari waayay ee jihada ay Soomaaliya doorashooyin u mari karto.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kulanka kadib masoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ee Villa Somalia oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, Mr. Rooble, wuxuu ku booriyay saraakiisha hay’addaha ammaanka in la dardargeliyo sugidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo kulan la yeeshay Hay’addaha Amniga, ImageVilla Somalia, File Araweelo News Network. 22 April 2021.

Kulanka, ayaa lagaga hadlay rabshado gacan ka ka hadal rasaas laysu adeegsaday oo maanta ka dhacday Garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda ee dawladda, ayaa sababay khasaare dhaawac soo gaadhay shaqaaalaha laanta socdaalka qaarkood.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo ka hadlay dhacdadaa ayaa ku amray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado, isla markaana sharciga la horkeeno dadkii ka danbeeyey dhacdadii maanta ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,
Arrintaa ayuu ku tilmaamay in ay ahayd mid muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buun-buunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa ka dhegaystay Hay’addaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladdaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhagarta, waxay ugu yeedheen kooxaha argagixisada iyo cadowga shirqoolada u maleegaya shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, wuxuuna ku ammaanay hay’addaha amniga, wuxuu ugu yeedhay, dedaalkooda ku qotoma caawinta bulshada, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Araweelo News Network.
info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post