X

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Warbaahintu Maxay Ka Wada Hadleen

Araweelo News Network.

#Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Warbaahintu Maxay Ka Wada Hadleen

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la qaatay Madaxda Warbaahinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho.

Kulanka ra’iisal wasaare rooble la yeeshay warbaahinta ayaa yimi kaddib markii ay mudooyinkii u danbeeyay xiisad siyaasadeed oo ka taagnayd doorashooyinka Soomaaliya circa isku shareertay, iyadoo mucaaradka la baxay gollaha murrashaxiinta iyo maamul gobolleedyada qaarkood xukuumadda ku dhaliileen qaabka ay wax u wado oo ay ku tilmaameen mid abuuraya fawdo iyo qalalaase mar kale ay Soomaaliya dib ugu noqoto.

Rooble, ayaa kala hadlay xubnaha uu la kulmay maanta ee warbaahinta muhiimadda ay leeyihiin xiligan dalku ku jiro doorashooyinka, wuxuuna ku booriyay in ay xoojiyaan doorkooda wacyiginta bulshada.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, kulankaasi intii uu socday, ayaa la iska xog waraystay xaaladdaha dalka ee xiliga kala guurka, iyadoo ra’iisal wasaare rooble  sheegay in saxaafaddu ay tahay il muhiim ah oo door wanaagsan ka qaadan karta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho huffan.

Sidoo kale,  Rooble ayaa tilmaamay in Warbaahinta Soomaaliyeed ay kaalin mugleh ka soo qaateen horumarka dalka, gaar ahaan xiliyadii adkaa, isla markaana looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan kaalintooda xilligan.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa kaalinta muhiimka ah ee aad kasoo qaadateen horumarka dalka, gaar ahaan wacyigelinta bulshada, hadana waxan idinka rabaa sidii aad doorkiina uga qaadan lahaydeen doorashooyinka dalka ka dhacaya”. Ayuu yidhi.

Qoraal saxaafadeedka, ayaa lagu xusay in madaxda warbaahinta ay dhankooda uga mahadceliyeen ra’iisal wasaaraha kulanka, isla markaana ay dhankooda xuseen in ay sii xoojin doonaan wacyigelinta bulshada.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post