X

#Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Wakiillada Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Heshiiska Laga Gaadhay Doorashooyinka

Ra'iisal wasaaraha Somalia oo la kulamay wakiillada Beesha Caalamka Image Araweelo News Network, 29 May 2021.

Araweelo News Network.

 

#Muqdisho(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaadhay hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Sida lagu qoraal saxaafadeed kulankaa ka dib kasoo baxay Xafiiska ra’iisal wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada iyo is garab taaggooda,isagoo ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan qabsoomida doorashooyinka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha ee Khamiistii laga gaadhay arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaaday  sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxeexay.

News Network.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post