X

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Siyaasiga Mucaaradka Ah Ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Kulmay

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda xukuumadda 6 Jan 2021 Araweelo News Network.

Araweelo News Network

#Somalia:  Ra’iisal Wasaare@Rooble Iyo Siyaasiga Mucaaradka Ah Ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Kulmay, Maxayse Ka Wada Hadleen?

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda xukuumadda.

Sidaana waxa lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Kulanka, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo saxaafadu aannay goob joog ka ahayn, balse markii kulanku soo dhammaaday, waxa qoraalka kasoo baxay Villa Somalia lagu sheegay waxyaabaha ay ra’iisal wasaare rooble iyo siyaasiga Cabdishakuur ka wada hadleen.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daah-furan oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xidhiidha arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Ra’iisal Wasaare Rooble mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fadhiisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyayaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto tallooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay. Ayaa lagu yidhi, war-qoraalka kasoo baxay caawa xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda xukuumadda, ayaan dhankiisa ka hadlin weli kulankaa oo kusoo beegmay xilli ay si weyn xiisad siyaasadeed uga jirto magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post